Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland: Wasiir Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Xariirad

Axmed-Cabdi-Kaahin(maantasomaliland):-Wasiirka wasaaradda Dib-u- Dejinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Kaahin ayaa ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee deegaanka Xariirad in ay arrintooda si nabad geliyo ah ku dhamaystaan. . Isaga oo tilmaamay in xalinta xiisadda labadaasi beelood ay hada gacanta ku hayaan xubnihii guurtidda ahaa ee loo xil-saaray.

Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in sida ugu haboon ee shaqaaqada labadaasi beelood lagu soo af-jari karaa ay tahay in labada dhinacba ay isku tanaasul sameeyaan si heshiis waara looga gaadho dilalkii hore ay u kala geysteen ee xiisadda dhaliyay.

Axmed Cabdi Kaahin oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isaga oo jooga magaaladda Hargaysa, ayaa tilmaamay in sida keliya ee loo xalin karo shaqaaqada ka dhex taagan labadaasi beelood ee ood wadaagta ah ay tahay walaaltinmo iyo wanaag ay labada dhinacba muujiyaan.Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Nabad ayaan ugu baaqayaa labada beelood-ba in ay arrimahooda ku soo dabaalaan, waayo nabadda wax ka wanaagsani ma jiro, nabaddu iyada ayaa dadka u horseeda wanaaga, nabaddu iyada ayaa dadka caafimaadka u horseeda, nabaddu iyada ayaa dadka u horseeda in ay illaahay caabudaan, markaa maadaama oo ay nabaddu waxyaabahaasi oo dhan furre u tahay.

waxaan labadaasi beelood ee ood-wadaagta ah u soo jeedinayaa in ay walaaltinimo iyo isku tanaasul ku heshiiyaan oo nabad ku soo dabaalaan arrintooda. arrinta labada beelood ee deegaanka Xariirad wada dega hadda waxaa gacanta ku haya xubnaha guddida guurtida ah ee loo xil-saaray oo halkaasi jooga, iyaga ayaana gacanta ku haya oo ku dhex jira xalinta khilaafkaasi iyo sidii loo soo af-jari lahaaba”.

Axmed Cabdi Kaahin waxa kale oo uu sheegay in aanu si cad u garanaynin waxa sababay in shaqaaqada labadaasi beelood u dhaxaysa oo muddo dheer soo jiitamaysay ay dhammaan waydo ama xal waara laga dhex dhalin kari waayo labadaasi beelood.“Arrinta labadaasi beelood ka dhaxaysaa in ay dhamaan waydo waxa u sababay anigu wax aan ku tilmaamo ma garanayo, waa laba beelood oo wada dega, waa laba beelood oo walaalo ah, waa laba beelood oo is dhalay, waa laba beelood ehel, qaraabo iyo waxyaabo badan isku ah, markaa muddooyinkan danbe beelo kasta oo meel wada dega colaadahoodu way iska badan yihiin” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka wasaaradda Dib-u- Dejinta, ayaa ku tilmaamay go’aanka uu madxwaynaha Somaliland ku siidaayay odayaal ka soo jeeday beelaha deegaankaasi oo la soo xidhay ka dib markii ay halkaasi shaqaaqadu ka dhacday, bal se uu habeen hore madaxwaynuhu sii dayay in talaabadaasi ay muujinayso sida ay xukuumadda uga go’antahay in shaqaaqada labadaasi beelood si nabad ah lagu dhameeyo. Waxaanu yidhi “Madax-waynuhu xaq ayuu u leeyahay in uu odayaasha sii daayo, markaa maadaama oo uu xaq u leeyahay in uu sii daayo madax-waynuhu waxay taasi muujinaysaa in ay dawladu aad u doonayso in arrinta labadaasi beelood la soo af-jaro, dawladuna way jeceshahay in arrintu wanaag ku dhamaato, madaxwaynuhuna wuu jecel-yahay in arrimaha nabad lagu soo dabaalo, nabad-na lagu dhameeyo, siidaynta odayaashuna waxay muujinaysaa in madaxwaynuhu doonayo in shaqaada beelahaasi la soo af-jaro, sidaas ayaanay u jeedada madaxwaynuhu tahay”.

Xigasho: WARGEYSKA DAWAN

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com