Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kal Fadhigii Golaha Baarlamanka Somaliland Mo Maanta Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Tiro Wasiiro Ah

Xarunta-Cusub-ee-Golaha(maantasomaliland):-Kal Fadhigii maanta ee golaha Wakiilada Somaliland oo uu Shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golahaasi Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyay ansixinta Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibada, Warfaafinta,Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Dib u dejinta,Wasiir ku xigeenada Ganacsiga,Qorshaynta, Gaashaandhiga iyo Wasiirul dawlaha Maaliyada.

Fadhigan oo ay ka soo Xaadireen 51 Mudane waxay cod gacan taag ah oo gaar gaar ah ku ansixiyeen Wasiiradan taas oo u dhacday Sidan:-

Wasiirka arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis waxaa Ogolaaday 50 Mudane Cid diiday iyo Cid ka aamustay ma jirin gudoomiyuhuna Muu Codayn.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse waxaa Ogolaaday 45 Mudane waxaa diiday 2 Mudane halka ay 3 Xildhibaan ka aamuseen Gudoomiyuhuna aanu codayn.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Aadan Axmed Warsame waxaa Ogolaaday 48 Mudane hal xildhibaan ayaa diiday midna wuu ka aamusay gudoomiyuhuna Muu codayn.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jamaac abgaal waxaa Ogolaaday 49 Mudan,Hal Xidhibaan ayaa ka aamusay Gudoomiyuhuna Muu Codayn.

Wasiirka Dibu dejinta Mudane Axmed C.kariin waxaa ogolaaday 48 Mudane hal Xildhibaan ayaa ka aamusay midna wuu diiday Gudoomiyuhuna Muu Codayn.

Wasiirul dawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse abees waxa ogolaaday 48 Mudane,cid diiday may jirin laba mudane ayaa ka aamusay.

Wasiir ku xigeenada Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Qorshaynta Qaranka waxaa ogolaaday 47 ,Mudane hal Mudane ayaa mid walba diiday laba kalena way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku Xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud waxaa ogolaaday 46 Xildhibaan waxaa diiday 3 Mudane waxaana ka aamusay hal Xildhibaan Gudoomiyuhuna muu codayn.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com