Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayer Sheegay In Aanu Haysan Hal Askari Oo Boolis Ah, Kana Warramay Khatarta Deegaan Uu Kormeer Ku Soo Maray Isagoo Wata Gaadhi Kiro Ah

bbbb1(maantasomaliland):-Waxa kale oo aannu tagnay Ceelashii Shidaalka oo ay markii hore Puntland gacanta ku haysay, laakiin immika aannu kormeer ku soo samaynay  oo aannu ka soo wareejinnay….”

“Deegaanada qaar ayaa markaanu galnay hoos loola hadlay Kooxda……. oo la yidhi halla xidho Weftiga Somaliland, Nimankii sidaa noola dhaqmayna…….” Maayerka Degmada Xuddun Faarax Cali Ibraahin

Maayerka Degmadda Xuddun Faarax Cali Ibraahin, ayaa sheegay in aanay degmadiisa iyo deegaannada hoos-yimaadda meelna ka joogin hal Asgari oo Boolis ah, isla markaana aanay lahayn wax gaadiid ah oo ay deegaanka kaga hawl-galaan.

Maayer Faarax Cali Ibraahin, waxaa kale oo uu ka hadlay kormeer uu ku soo sameeyay deegaanno ka mid ah degmada Taleex ee gobolka Sool iyo khataro uu meelaha qaar ku galay.

Maayer Faarax oo isagoo xilligaa Safar ku jira khadka Taleefanka ugu warramay Wargeyska Somalilandtoday, ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabaya su’aal nuxurkeedu ahaa saamaynta uu ku yeeshay degmada Xuddun Weftiga Puntland ee ku sugan  degmada Taleex, waxa uu yidhi; “Weftigaasi Taleex ayay joogaan annana wax saamayn ah naguma laha Ciidankii Qaranka ee jiidda horena waa heegan, kollay meel kasta way jiraan dad aan oggolayan Somaliland oo Khaatumo iyo Puntland-ba hoosta kala socda. Laakiin, annaga wax saamayn ah naguma yeelan, deegaankuna waa nabad.”

Duqa degmadda Xuddun Faarax Cali Ibraahin oo ka jawaabayay su’aal ahayd adeegyada bulshada iyo siday wax uga qabtaan ee ay degmadda uga hawl-galaan ayaa yidhi; “Degmadu waa meel aan lahayn wax adeeg bulsho ah oo ka jira, ma haysano Ciidan Booliis oo hal Askari ma lihin, mana lihin wax gaadiid ah nooc kastaba ha ahaadee, immika kormeer ayaan ku soo maray 17 Tuulo oo ka mid ah deegaanka degmada Xuddun, waxaanan watay oo aan intaa ku soo maray deegammadaas Gaadhi kiro ah manaan wadan hal Askari oo ammaankayaga suga, waayo? Ma-ba haysanno, markaa wax kale oo adeeg ah oo ka jiraana ma jiro, marka laga reebo dad ku shaqaysta magaca Waxbarashada oo markii horena Puntland ahaa oo immikana ku lacag qaata Waxrashada Dugsiyadda magaaladda Xudun iyaga oo aan aamminsanayn-ba Somaliland, haddana la hawlgeliyay oo shaqaynaya, waxaanay ahayd in Cidda la diranayo ee dadka wax u qabanaysaa ay ahaato marka hore cid aamminsan Somaliland oo Qarannimadu ka go’an tahay, taasina ma jirto oo maanta waxaan ku odhan karo deegaankaa way ka jiraan oo aan Ciidanka Qaranka ahayni ma jirto. Dee, Ciidanka Qarankuna hawshoodii way ku jiraan oo difaac ayay u taagan yihiin. Markaa, arrin gudaha ka dhacay uguma yeedhi kartid oo iyaggii ayaaba heegan ah.”

Maayer Faarax oo ka jawaabayay su’aal ahayd mar hadduu Maayerkii degmada Xuddun yahay sheegayna in aan dadkii deegaanka waxba loo qaban sababta uu wax u dhaqaajin waayay Maamulkiisu waxay daarran tahay ayaa yidhi; “Waa su’aal wanaagsan oo is weydiinteeda leh wax qabad ku midna aniga ayuu igu xidhan yahay midna wuu iga sarreeyaa oo waxaa looga baahan yahay waa Dawladda dhexe, markaa kolkay Dawladda dhexe wax ila dhaqaajiso ee ay deegaanka  ka hawl galiso dhamaan laamihii Dawladda ayaan intaa anna ku sii dari karaa. Laakiin, meel aan waxba laga qaban wax hawl lagu bilaabaana aanay jirin qof keliya oo aan gaadiid haysan, Boolis lahayn wax uu hawl ku dhaqaajiyo aan noocnaba ka haysani ma hadal ayuu maamul ku hirgelin karayaa, taasi ma suura-galayso. Laakiin, waxaa loo baahan yahay waa wax qabadkii dawladda dhexe oo gebi ahaanba meesha ka maqan, marka ciidanka Qaranka laga reebo.”

Maayerka oo aannu weydiinnay kormerka uu ku jiro iyo meelaha uu ku tegay waxa uu yidhi; “Waxaan soo maray 17 Tuulo oo ka tirsan Deegaannada hoos taga degmadda Xuddun oo isugu jira Xeeb iyo Oog waxaanan dadkii aannu deegaannadaa ugu tagnay gaadhsiinnay raashin caawimo ah, waxaana dhacday in  meelaha qaar markaannu tagnay la yidhi; halla Xidho Weftiga Somaliland oo hoos loola xidhiidhay kooxda Khaatumo, dadka sidaa yeelayna ay waliba yihiin dadkii deegaanka oo qaarkood hoosta kala socdaan kooxdaa iyo Puntland. Laakiin, taasi may dhicin, waayo? Dadku waa Somaliland, balse meel kasta  way joogaan qaar Somaliland-diid ahi, wax nagu dhacay ama na soo gaadhay oo dhibaato ahina may jirin. Waxa kale oo aannu tagnay Ceelashii Shidaalka oo ay markii hore Puntland gacanta ku haysay, laakiin immika aannu kormeer ku soo samaynay  oo aannu ku soo wareejinay, isla markaana ku soo ballaminnay Odayaashii deegaanka oo loo baahan yahay in la gaadhsiiyo Ciidan ilaalo ah iyo horumarin deegaanka laga sameeyo, waxaanu u tagnay dad u diyaar ah dawladdooda. Laakiin, aan weli arag cid u tagta, Deegaankaas oo ka tirsan degmada Xuddun oo Puntland oo haysan jirtayna aanay hadda gacanta ku haynin.”

Gebogabadii Duqa Degmada Taleex oo la weydiiyey tallaabada ay ka qaadeen dadka uu sheegay in ay xidhiidh la leeyihiin kooxda Khaatumo ee warka ka faafiyay waxa uu ku jawaabay; “Wax tallaabo ah kamaannu qaadin oo awood aannu wax kaga qabanno maannu lahayn. Laakiin, magacyadoodii ayaannu qorannay, waana intaannu awoodaynay.”

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com