Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Britain Oo Sheegtay Inay Weerar Qaadi Karto Iyadoon Fasax Ka Qaadan QM

index(maantasomaliland):-Dawlada Britain ayaa shalay daabacday sharci ay sheegtay inuu u ogolaanaya talaabo Milatari oo ay ka qaado dalka Syira, xataa hadii Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysaa uu diido talaabadaasi.

Dawlada Britain waxa ay sheegtay in Cadaymo mukhaabaraadkeedu soo ururiyey ay muujinayaan weerarkii hubka Kimikaliska loo adeegsaday inuu Syria ka dhacay dabayaaqadii todobaadkan, waxaanay sheegtay in aanu shaki ku jirin in weerar noocan ahi uu dhacay.

“Hadii Talaabada Golaha Amaanku ay noqoto Diidmo, UK waxay haysataa fasax sharci caalami ah oo sheegaya in la qaado talaabo hoos loogu dhigayo inay Syria ka dhacdo Masiibo Bani’aadanimo”.

Waxaana qoraalkaasi Britain intaasi ku daray “Faragalin Malatari oo lagu weerarayo Bartilmaameedyo gaar ahi waa hadafka lagu yarayn karo in weerar kale dhacaan, waxaana jira cudur-daaro sharciyadeed oo arintaasi lagu fulin karo”.

Dhinaca kale Shanta xubnood ee rigliga ku ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku guuldaraystay inay isku raacaan Qaraar uu soo jeediyey dalka Ingiriisku oo ogolaanayey in guluf lagu qaado Syria, inkasta oo Madaxa Qaramada Midoobay ay ku baaqayaan in wakhti badan la siiyo Diblomaasiyada.

Qaraarkan qabyada ah ee Golaha Amaanka la hor keenay shalay ayay gaashaanka ku dhufteen dalalka Russia iyo China oo iyagu shirkii golahaasi iskaga dibada uga baxay.

kuwaas oo shalay Hase yeeshee Kooxda ka socota Qaramada Midoobay ee ku sugan Syria oo uu hogaaminayo Lakhdar Brahimi, ayaa sheegay shalay inay jiraan cadaymo muujinaya in la isticmaalay waxoogaa “Walxo” dilay boqolaal qof 21-kii bishan. Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka oo shalay la hadlayey Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayuu Mr Ban u sheegay inaan wax talaabo ah la qaadayn inta Baadhayaasha Hubka Kimikalisku ee Qaramada Midoobay ay dhamaysanayaan shaqadooda.

by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com