Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Md Maxamud Xaashi cabdi ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay diyaaradii ugu weynayd ee soo fadhiisata madaarka caasimadda Hargaysa muddo 58 sanadood ah ka dib.

DIYAARADA-ITOOBIYA(maantasomaliland):-Wasiirka wasaaradda duulista iyo hawada Md Maxamud Xaashi cabdi ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay diyaaradii ugu weynayd ee soo fadhiisata madaarka caasimadda Hargaysa muddo 58 sanadood ah ka dib.

Diyaaradan oo nooceedu yahay 737 oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airline oo maanta soo fadhiisatay garoonka Egal intranational Airport ee magaalada Hargaysa ayaa wasiirku waxa uu ku tilmaamay inay ka mid tahay diyaaradaha waaweyn ee isaga goosha caalamka, talaabadaas oo uu wasiirku ku sifeeyey isbedelka ku yimid garoonkii diyaaradaha ee caasimadda oo balaadhintii iyo casriyayntii dhowaan lagu sameeyey ay xaqiijisay himiladii laga lahaa.

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay in mustaqbalka dhow ay dalka ku soo furmayaan duulimaadada diyaaradaha waaweyn ee isugu jira xamuulka iyo rakaabka-ba.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com