Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Baarlamanka Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Hormadii Labaad Ee Wasiirrada Cusub Ee Somaliland

Xarunta-Cusub-ee-Golaha(maantasomaliland):-Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa meel mariyey ansixinta wasiirada wasaaradaha deegaanka, biyaha, kalluumaysiga, wasiirul-dawlayasha wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo nabadaynta gobolada bari halka sidoo kalena ay ansixiyeen wasiir ku xigeenada wasaaraddaha, warfaafinta, Beeraha,, shaqada iyo arimaha bulshada,

Mudanayaasha golaha soo xaadiray maanta oo dhammaa 46 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah u qaaday ansixinta mas’uuliyiintan.

 

Wasiirka wasaaradda deegaanka Marwo Shukri Xaaji ismaaciil baandare waxaa ansixinteeda ogolaaday 45 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaaradda deegaanka.
Wasiirka wasaarada Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdalle waxaa ogolaaday 45 mudane cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaaradda Biyaha.

 

Ansixinta wasiirka wasaaradda kaluumaysiga Md Cali jaamac Faarax waxaa ogolaaday 42 mudane, waxaa ka aamusay hal mudane waxaana diiday labo mudane, gudoomiyahua ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaradda kalluumaysiga.

 

Wasiirul dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha Md cabdiraxmaan jaamac Cabdalle waxaa ogolaaday 43 xildhibaan, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay labo mudane, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirul-dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha.

 

Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada Bari Cali maxamed Axmed (Cali Sandulle) waxaa ansixiyey 45 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada Bari

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md cabdiwaaxid C/qaadir C/raxmaan waxaa ogolaaday 43 mudane, waxaa diiday labo mudane, cid ka aamustayna ma jirin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Md Aadan Ibraahim maxamed waxaa ogolaaday 43 mudane hal mudane ayaa diiday, hal mudane-na waa ka aamusay, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil waxaa ogolaaday 44 mudane cid diiday ma jirin waxaana ka aamusay hal mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

 

Geesta kalena mudanayaasha golaha wakiilada waxaa loo qaybiyey xeerarka kala ah:
Xeerka hab maamuuska madaxweynaha iyo madaxweymne ku xigeenka.

Xeerka HIV AIDS-ka, Xeerka xabsiyada, Xeerka ciidamada Booliska, qabyo qoraalka xeerka horumarinta waddooyinka, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka qareenada iyo xeerka caasimadda.waa maalintii labaad ee wasiiro tiro ah la nasixiyo tan iyo shaklay

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com