Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyihii Hore Ee Wakaaladda Qurbe Jooga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan Oo Maanta Si Ku Meel Gaadh Ah Xilkii Ugu Wareejiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

u_109471d_2013-9-1-11-25-56f_1x(maantasomaliland):-Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay xil Wareejintan oo ka dhacday Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadda ee Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka arrimaha dibadda, Guddoomiyaha xilka wareejinaya, shaqaalaha hay?adaasi iyo marti sharaf kale. Ugu horeyn xil wareejintaas ayaa waxa ka hadlaya wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis waxaanu yidhi,,

(Waxaynu maanta halkan iskugu nimi inaan xil wareejintii samayno aniga iyo Maxamuud Cabdi Raxmaan Oo Ah Guddomiyihii qurbe jooga Somaliland,marka ugu

horesa waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Maxamuud iyo Shaqaalihiisa,shaqadii fiicnayd ee soo qabteen xafiiskan oo ah halbolihii iyo lafa dhabartii xukuumada Somaliland,sidaad la wada socotaan qurbe joogu waa dadka maanta hawsha ugu wayn qabta ee ina tageera,marlabaad waxa aad ugu mahad naqayaa guddomiyihii hawsha fiican ka soo qabtay,shaqaalihii hawl kar nimada mujiyey,sidaas waxa yidhi wasiirka arimaha dibada somalialnd.)

Dhinaca kalen waxa isna halkaas ka hadlay guddomiyaha hay?ad qurbe jooga somalialnd maxamuud cabdiraxmaan waxa uu yidh?anigoo ahaa guddomiyihii qurbe jooga somaliand imikan xilka ku wareejinaya imikan xilka ku wareejinaya wasiirka arimaha dibda somaliand maxamed biixi yoonis,marka hore mahad naq balaadhan waxaan usoo jeedinayaa madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo markii hore aniga xafiiskan ii magacaabay.

Guddomiyaha oo hadlkisa sii wata ayaa waxa uuu intaas raaciyey (xafiiskan sidaas uu sheegay wasiirka arimaha dibaduba waa xafiis mihiimadiisa leh waa xafiis dawladan kulmiye ay bilawday,aniguna ahaa Guddomiyihii 2aad ee loo magacaabo xafiiskan,sideedaba marka uu xafiisku dalka ku cusub yahay waxa badanaya waxa qabad markaas wasiir kolay intii aan anigu joogay waxaanu qabanay balaadhan markii aab meesha imi waxaan go,aansanay inaan qorshayno sidaad qurbe jooga iyo dalka iskugu xidhnaa,mihiimada uu leeyahay xafiiskuna waa sida la iskugu xidho dalka iyo dibada,taas oo aanu ka duulayne sidii madaxwaynuhuba ugu talo galay siday ugu faa,iidaysan lahaayeen waxana ugu tari lahaayeen dalkooga hooyo 2qodob ayaanu aad uga duulayne,sidaynu isgu xidhi karnaa qurbe jooga iyo dalka,taas oo aanu eegayne 1dollar oo guddomiyihii hore ee aniga iga horeyey ayaa bilaabay lakiin markii horen ahayd si gargaara ah,anaguna markii danbe aanu ka dhignay inaanu sharci usamayno sharcigii baryahanba waanu sugayne oo waa uu dhamaystir may maalintii dhaway waan kugu warejiyey imikana waan kugu wareejin doonaa hadii ilaahay ka dhigo,sharcigaas oo ahaa dadka qurbe jooga sida ay jecelayeen in loo wadi karo,sidaas ayaa uu yidhi guddomiyaha ha?yada qurbe jooga Somaliland maxamuud cabdi raxmaan ka yidhi munaasabadaasi maanta xilka lagula kala wareegay

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com