Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Khubaradii ka socotay Qaramada Midoobay ee baaraysay in Sun Kimikal Ah Lagu Isticmaalay Dagaalka Ka Socda Syria Ayaa Shalay Ka Baxay Dalkaasi Muddo Todobaad Ah Oo Ay Halkaasi Ku Sugnaayeen.

hghhghg(maantasomaliland):-Khubaradii ka socotay Qaramada Midoobay ee baaraysay in Sun Kimikal ah lagu isticmaalay dagaalka ka socda Syria ayaa shalay ka baxay dalkaasi muddo todobaad ah oo ay halkaasi ku sugnaayeen.

Khubaradan Qaramada Midoobay oo socod ku marayey goobaha la sheegay inay ka dhaceen weerar Kimiko ah oo dad lagu xasuuqay ayaa sheegay inay soo aruuriyeen xog badan oo ku saabsan deegaankaasi iyo waliba wareysiyo ay la yeesheen dadkii khasaaruhu kasoo gaadhay hubka suntan Kamikalka ah oo la sheegay inay ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

Kooxda Qaramada Midoobay ayaa shalay gaaray magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, waxaana la filayaa in natiijada baadhitaankooda ay ku dhawaaqi doonaan Qaramada Midoobay marka ay soo dhamaato, wallow aan la sheegin xiliga la shaacin doono.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in tilaabo militari oo ay ka qaadayaan dalka Siiriya ay tahay mid ku kooban militariga dalkaasi.

Obama ayaa sheegay in Caalamka ay ku wada dhawaaqayaan in tilaabo laga qaado xasuuqa uu wado taliska Bashaar Al Assad, balse illaa iyo hada aanay muuqan dowlad diyaar u ah inay wax tilaabo ah qaado, isagoo ka dhawaajiyey in dowlada Maraykanku diyaar u tahay kaligeed inay qaado talaabo militari oo ka dhan ah xukuumada Siiriya.

Hadalada Madaxweynaha Maraykanka ayaa ah kuwo lagu soo beegay kadib go’aankii kasoo baxay Baarlamaanka dalka Ingiriiska ee lagu diiday in wadankaasi ka qeyb qaato hawlgalo militari oo ka dhan ah wadanka Siiriya.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com