Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Odayaasha Guurtida Gandaha Beesha Ciise Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Eedeeyay Inuu Burburiyay Wada Hadalkii Xariirad

0724932795dd2720d4319dc7626fceef_M(maantasomaliland):-Odayaasha guurtida ah ee loo yaqaano Gendaha Beesha Ciise oo beryahanba ku sugnaa magaaladda Xarriirad isla markaana wadahadalo u socdeen Ergo Golaha Guurtida ka socotay iyo Odayaal Beesha Gadabuursi ah oo ka arrinsanayay Dilalkii labada Beelood ayaa shalay Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu burburiyay wada hadaladii nabadeed ee socday.

Odayaasha Gendaha ayaa shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xariirad, waxay Go’aankii Madaxweyne Siilaanyo ku sii daayay Odayaashii iyo dadkii loo aanaynayay dilkii Xarriirad ee lagu dilay nin beeshooda ah ku tilmaameen in madaxweynuhu uu ku dhaqaaqay isaga oo aan dhinacyada ku war-gelin isla markaana aan wax talo wadaag ah kala yeelan xubnihii Golaha Guurtida ahaa ee Hawsha ku jiray.

Odayaasha Gandaha ahi waxa ay si kulul u cambaareeyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo hoggaamintiisaba. Odayaasha Gandaha Beesha Ciise waxa ay sheegeen in ay in badan u dul-qaateen khaladaad ay sheegeen inay kaga imanayaan  dhinaca Xukuumadda balse mawduucan u dambeeyay aanay u dul qaadanayn, iyagoo meesha ka saaray inay sii wadayaan wax wada hadal ah.

Geesta kale, Afayeenka gudida beesha reer Dudub (Samaroon) Cismaan Cali Allaale ayaa dhaliisha dusha ka saaray Golaha Guurtida, gaar ahaan xubnaha golaha kaga jira Beesha Ciise iyo badhasaabka gobalka Selel.

Burburka wada hadalada ayaa yimid ka dib markii uu Madaxweynuhu sii daayay odayaal u xidhnaa dilkii Xariirad, kuwaas oo ka soo jeeday dhinaca gobalka Awdal.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com