Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkad caalami ah oo ka shaqayn doonta kalluumaysiga oo magaceeda la yidhaa Pontus Marine, isla markaana kalluunka Somaliland u iib-gayn doonta adduunka, ayaa si rasmi ah loogu furay shalay caasimadda Hargeysa.

89c5cd1cedd4a96c5d7ba82f5a019257_L(maantasomaliland):-Shirkad caalami ah oo ka shaqayn doonta kalluumaysiga oo magaceeda la yidhaa Pontus Marine, isla markaana kalluunka Somaliland u iib-gayn doonta adduunka, ayaa si rasmi ah loogu furay shalay caasimadda Hargeysa.

Xalflad ballaadhan oo maanta furitaanka shirkaddaas oo laga leeyahay dalka Canada loogu sameeyey hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, xubno wasiirro ah, ganacsato, aqoonyahanno iyo dadweyne tiro badan.

Guddoomiyaha shirkadda Pontus Marine garyaqaan Maxamed Yuusuf Cali oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga warramay ujeeddooyinka iyo hadafka loo aasaasay shirkaddooda uu sheegay inay ka shaqayso kalluumaysiga iyo suuq-gayntiisa, waxaannu xusay in dalka Somaliland leeyahay kalluunka ugu badan adduunka, balse aanay bulshadiisu wax faa’iido ah ku qabin, sidaa darteed waxa uu ballanqaaday in shirkaddiisu xoogga saari doonto sidii shacabka reer Somaliland uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka Ilaahay ku mannaystay oo kalluunku ka mid yahay.
Maareeyaha shirkadda Pontus Marine Mr. Axmed Abokor, ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyey qaababka shirkaddoodu uga hawlgeli doonto waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu sheegay in ay tahay maalgashi ballaadhan oo ay dalka ku sameeyeen, shaqooyinna ka heli doonaan boqollaal muwaaddin.

Waxa kale oo xafladdaas ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin wasiirrada Warfaafinta, Kalluumaysiga, Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, waxaanay dhammaantood soo dhoweeyey maalgashiga shirkadda caalamiga ah ku samaynayso khayraadka dihin ee dalka, waxaanay ugu baaqeen bulshada inay ka qaybqaataan maalgashiga iyo la-shaqaynta shirkadda Pontus Marine oo xafiisyo ku leh gobollada Somaliland oo dhan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com