Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Oo Beeniyay In Lacago Faalso ah Laga soo dejiyay Xeebta Sanaag

Jananka-Baddaha(maantasomaliland):-Taliyaha Ciidammadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa beeniyay in lacag Faalso ah oo Shilling Soomaaliga (Giinbaarta) laga soo dejiyay deegaanka Laasa Surad ee Gobolka Sanaag, sida uu baahiyay wargeyska Waaheen Sabtidii todobaadkan.

Taliyaha Ciidanka Ilaaladda iyo Difaaca Xeebuhu waxa uu n Xusay inay waxba ka jirin wararka sheegaya in Deegaanada Xeebaha Gobolka Sanaag ee Laasa Surad ka Mid tahay ay ka soo degeen lacago faalso ah, waxaanu tilmaamay in dhamaan jiidahaasi ay degen yihiin Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo heegan ugu jira wax kasta oo si Sharci darro ah dalka lagu soo Gelinayo.

“Ciidanka Ilaaladda Xeebuhu waxay ku sugan yihiin dhammaan xeebta Gobolka Sanaag, waxaanay heegan ugu jiraan inay la diriraan kootarabaanka, budhcad badeeeda iyo wixii la mid ah, markaa waxaan bulshadda Somaliland u xaqiijinaynaa inaanay arrintaasi waxba ka jirin oo aanay jirin wax lacag ah oo laga soo dejiyay xeebta laaso-surad oo ka mid ah Goobaha ay ciidammadda ilaaladda xeebnuhu degan yihiin,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Admiral Axmed Aw Cismaan waxa uu intaas ku daray in Wargayska Waaheen oo warkan faafiyay ay ku haboonayd inuu xidhiidh la sameeyo ciidanka ilaalada xeebaha ka hor inta aanu daabicin war noocan oo kale ah.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com