Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi ayaa maanta meel mariyey xeerka Maamuuska madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

Speaker-Irro-C-chairs-the-closed-door-sessions-300x158(maantasomaliland):-Xildhibaanadda maanta soo xaadiray fadhiga oo tiradoodu ahayd 42 xildhibaan ayaa waxaa ansixinta xeerkaasi ogolaaday 32 mudane,waxa diiday 5 mudane, waxa ka aamusay 4 Mudane, Gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka hab maamuuska madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo mudanayaasha baarlamaanka xeer No 62/2013.

Dhanka kalena Xildhibaanaddu waxay fadhi labaad oo ay soo xaadireen 44 mudane ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka Qareenadda Somaliland.

Ansixinta xeerka qareenadda waxaa u codeeyey 21, mudane waxaa diiday 13 xildhibaan, waxaana ka aamusay 9 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay xeerka qareenada Somaliland xeer No 30/2004.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com