Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ayaa maanta ka war-bixisay hawl-galo ay wasaarad ahaan ka soo fuliyeen xog ogaal u noqoshada xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobolada Sool iyo Sanaag.

Agaasimaha-Guud-ee-qorshaynta(maantasomaliland):-Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta C/rashiid Axmed Guuleed oo maanta la hadlayey wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in ujeedada ay dhowaan wasaaraddu goboladaa uga hawlgashay ay ahayd in laga soo sameeyo qorshihii goboladaa ee qaybta ka noqon lahaa qorshaha heer Qaran ee sanadka 2014-2016.

Md Cabdirashiid waxa uu sheegay inay maamulka heer gobol iyo heer degmo ee goboladaasi ay ka soo qayb galeen kulamadii lagu gorfaynayey qorshayaashii goboladaasi oo uu sheegay inay gacan balaadhan ka gaysteen badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Mayor-ka magaalada Ceerigaabo.

Agaasimaha guud waxa uu sheegay in labada gobol-ba ay soo diyaarsadeen qorshayaashii ay ugu talo galeen in loogu daro qorshaha heer qaran, hawshuna ay si wanaagsan u socotay mudadii ay wasaaraddu halkaa ka wadday hawlaheeda.
Isagoo ka hadlayey macnaha uu xambaarsan yahay qorshaha gobolku ayaa waxa uu ku sifeeyey inay tahay baahiyaha lagama maarmaanka ah ee gobol leeyahay iyo mashaariicda horumarineed ee loo baahan yahay, kuwaas oo uu sheegay Agaasimaha guud inay fulintooda iska kaashanayaan Xukuumadda, hay’adaha samafalka iyo mujtamaca gudaha iyo dibadaba.

Ugu dambayntii agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md Cabdirashiid waxa uu si weyn ugu mahadceliyey Gudoomiyayaasha gobolada Sool iyo sanaag oo ay wehelinayeen Mayora-da magaalooyinka laascaanood iyo ceerigaabo iyo isu duwayaasha wasaaradda qorsheynta ee Goboladasi, mas’uuliyiintaas oo uu sheegay inay kaalin muuqata ku lahaayeen dhamaystirkii hawshii wasaaraddu halkaa u tagtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com