Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xildhibaan Maxamed Xuseen Ciise Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha wakiillada Somaliland, Ayaa Ugu Baaqay Mudanayaasha Golahooda In Ay Ansixiyaan Xeerka Caasimadda Oo Ku Jira Ajandaha Kalfadhiga 22 Oo Ay Ku Gudo Jiraan.

Golaha-wakiiladda(maantasomaliland):-Maxamed Xuseen Ciise oo shalay u waramayay warbaahinta waxa uu sheegay in xeerkan casimaddu muhiimad u leeyahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxana uu tilmaamay in uu u ololaynayo in la ansixiyo xeerkan caasimadda.

Maxamed Xuseen Ciise oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Xeerkan waxa hore loo keenay golaha, waa loo qaybiyay, waa laga dooday codayntii ayuu mari waayay, sababta ugu wayn ee barigaa jiray waxa uu ahaa ha la kala xadeeyo oo mudanayaashu u diideen kala xadayn ayaa ugu muhiim sanayd, waxa la lahaa madaama gobolladii la kala xadayn caasimadda xeer loo samayn maayo, calaa kuli xaal in badan ayuu ku dadaalay guddida arrimaha gudaha oo aan ka mid ahay oo xeerkan soo diyaariyay, dib ayaanu u soo celinay hadda goluhuu horyaalaa ajandaha ayuu ku jiraa, waa loo qaybiyay mudanayaasha.

Xeerkan wuxuu u baahan yahay mudanayaasha gobolka gaar ahaan kuwa caasimadda ka soo baxay in aad ugu ololayeen oo ka dhaadhiciyaan golaha sidii xeerkan loo marin lahaa, waana xeer muhiim ah haddii xeerkan la ansixiyo caasimaddu waxa ay noqonaysaa caasimad qaran dadka dega uun baa ka codayn doona oo cid kasta oo degan ayaa xeerka lagu dhaqayaa, caasimaduna waxa ay u baahan doontaa in mudanayaal intan ka badan golaha deegaanka oo kale, baarlamaanka oo kale in ay yeelato. Golahana waxaan u soo jeedinayaa in ay u codeeyaan xeerkan oo ay ansixiyaan, waxaanan ku jiraa qolooyinka u ololaynaya xeerkaa in la ansixiyo.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Xuseen Ciise waxa uu cambaareeyay farogelin uu madaxweyne ku xigeenka Puntland ku hayo deegaamo ka mid ah bariga dalka, waxana uu yidhi “Xukuumaddu waa tii ka hadashay qaranimada iyo xuduudka Somaliland waa laguma xadgudbaan waa la diidayaa waanan ka soo horjeednaa, waayo Taleex waa qayb ka mid ah Somaliland, markaa wixii faro galin ah waan diidaynaa oo waan canbaaraynaynaa.”

Mudane, Ciise waxa kale oo uu sheegay in aanay jirin mucaaradad ka dhex jirta golaha wakiilada, waxa ka dhex bilaabmay golaha ma jirto, waddani waa xisbi siyaasiya oo mucaarada oo golaha ka mid ah, laakiin waa laga yaabaa marka golaha la joogo in afkaarta lagu kala duwan yahay wax bay riixanayaan, laakiin golaha guddihiisa waxyaabaha lagu cabanayo ayay ka mid tahay golihii muxaafid kaliya ayuu noqday. Markaa waxaad moodaa in ay qaateen siyaasadda ah in xukuumadda jaanis la siiyo oo lala shaqeeyo, waxaanad moodaa inuu taa ku shaqaynayo goluhu in mucaarad golaha ka mid ahi soo baxana ceeb maaha waa loo baahan yahay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com