Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

AL-shabaab Oo ka Hadashay Weerar Ay Ku Qaaday Madaxweynaha Soomaaliya

xasan-300x168(maantasomaliland):-Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen babuur la socotay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.Waxay sheegeen in weerarka uu ka dhacay waddada u dhexaysa Muqdisho iyo Marka.

Hoobiyayaal ayay sheegeen inay ku weerareen baabuurta la socotay madaxweynaha oo ku sii jeeday xilligaas magaaladda Marka.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tegay in uu kaga qeybgalo munaasab lagu heshiisiinayo laba beelood oo dagaallamay.

Afhayeen u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay warkaas, waxa uu sheegay in hal askeri uu kaga dhintay shil baabuur oo waddada ka dhacay.

Al Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka muhiimka ah ee koonfurta Soomaaliya, balse waxay weli geystaan weerarro gaadmo ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com