Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maalintii Saddexaad Oo Raaf Ka Socda Wadanka Malaysia Iyo Soomaali Jeelka Loo Taxaabay

20130903013501(maantasomaliland):-Tiro dhalinyaro muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa habeenkii Labaad ku hooyanaya xabsi ka mid ah xabsiyada dalka Malaysia,
kadib markii ay la kulmeen xilli raaf ka dhan ah ajaanibta bilaa sharciga ku jooga dalka Malaysia ay sameenayeen qaar ka mid ah ciidamada Boliska oo ay cawinayaan ciidamo loo yaqaan Rela Army.

Xaafadaha ay Soomaalida ugu badan ku nooshahay ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ku soo noqnoqanayay ciidamadan sida gaarka ah u raadsanaya ajaanibta aan sharciga lahayn ee dalkan iskaga nool.

Sidoo kale xafadaha ay Soomaalidu ku badantahay ee Edman sutra, Taman melati iyo qaar kale ayaa xalay fiidnimadii waxaa lagu arkayay ciidamo fara badan iyo weliba gaariga shabaqlaha ee ay isticmalan ciidamada Boliska ah, si dadka bilaa sharciga ah loogu ururiyo, waloow qofkii sharci heeysto ama ogolansho rasmi ah aysan sameeyn ku yeelan doonin howgalada socda.

Inta la hubo in ka badan dhowr iyo Toban Soomaali ah ayaa weli xabsiyada ku jira, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgalkan ka dhanka ahaa ajaaniibta sharci la’aabta ku jooga dalkaasi.

Safarada Soomaaliya ku leedahay dalka Malaysia ayaan ilaa hada arintaas ka hadal, wax dhaqdhaqaaq ahna ka muujin waloow wadanka uu ku jiro fasaxa maalinta xoriyada, oo guud ahaan dalka uu fasax wada galo.

Raafkan ka dhanka ah ajaanibta ayaa ku soo aadaya maalin kadib dabaal degii 56-guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyada dalka Malaysia oo ku beegneed 31 August, wuxuuna raafka si toos u bilaabmay 1 sept, lamana oga xilliga sida rasmiga ah loo joojin doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com