Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Cilmi-Baadhis Ay Sameeyeen Khubaro U Dhalatay Dalka Maraykanka Ragga oo aad Naftooda u Canaanta Marka Ooridiisu ka Guulo Badnaato, Kana Caansanaato

u_109864d_2013-9-6-3-9-22f_Ashlyn-Blocker-h(maantasomaliland):-Cilmi-baadhis ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa daboolka ka qaaday in raggu naftooda canaantaan marka ooridiisu amma haweenayda nolosha la qaybsanaysa ka guulo badnaato, kana caansanaato, halka haweenku ku fanaan saygoodu marka uu bulshada dhexdeeda ku caan yahay.

Guulaha raggu aadka uga xumadaan marka ooridiisu gaadho waxa ka mid ah in ay bulshada guulo ka soo dhex hoyso amma ka maskax iyo karaamo badan tahay, arrintaasina waxay khubaru sheegeen in ragga ay ku keento cuqdad marka xaaskiisa amma gabadha uu

jecel yahay horumar ka samayso xagga nolosha.

Haweenka ayaa iyagu ka aragti duwan ragga marka sayadoodu amma ninkay jeceshahay iyada ka guulo bato, waxaanay aad ugu fanaan guulaha uu gaadho sida daraasadan lagu daabacay jariirad ay leeyihiin ururka cilmi-naftisga ee Maraykanka.

?Waxa macno badan samaynaysa in raggu dareemo inuu u hanjabo xaaskiisa amma cadho badanaado marka ay guulo gaadho, isagoo naftiisa ku canaanta inay guul darraysatay, balse daraasadu waxay caddaymo u heshay in raggu guulaha haweenkay qabaan amma jecel yihiin u turjuntaan inay iyaga naftooda guul darro ku tahay,? ayey tidhi Kate Ratliff oo ka tirsan Jaamacadda Florida, daraasadana madax u ahayd.

Cilmi-baadhistan oo lagu tijaabiyey 896 qof, kuwaasoo maray shan tijaabo oo kala duwan, isla markaana jaamacado kala duwan ka qaadeen ayaa natiijada ka soo baxday noqotay in raggu bahdilaad dareemaan haddii dumarkoodu horumar ka sameeyaan dhinaca nolosha, isla markaana ka caansanadaan, kana cisi iyo karaamo bataan iyaga.

Sidoo kale daraasad tan la mid ah oo laga hirgeliyey dalka Netherland ayaa iftiimisay in haweenku ku farxaan guulaha raggooda, halka ragguna ka xumadaan, naftoodana ka dhaadhiciyaan in dumarku hadday ka guulo bataan ay bahdilmayaan.
by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com