Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

URURKA ARDAA OO KA WARBIXIYAY DHISMAHA DEKEDA LUGHAYA IYO GUDOOMIYAHA URURKA ARDAA OO KA WARAMAY KANA WARBIXIYAY HALKA AY U MARAYSO HAWSHAASI

20130906025449(maantasomaliland):-kulan balaadhan oo ay soo  agaasimeen xubnaha gudida ARDAA ee dalka gudihiisa ayaa waxa lagaga arinsanayay sidii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dekeda LUGHAYA, isla markaana waxa ka soo qayb galay salaadiin, wax garad, haween, qurbojoog iyo daneeyayaal oo u badan oo indhaha ku haya dhismaha dekeda Lughaya.
.
Gudoomiya ururka ARDAA ee dalka gudihiisa Sh. Xasan Daheeye Axmed oo halkaasi ka hadalay ayaa ka waramay meesha ay marayso hawlaha lagu dhaqaajinayay dhismaha dekadaasi, waxana uu yidhi “Ujeedada manta aan u qabanay shirkan waa in aan dhamaan cida ay khusayso dhismaha dekada Lughaya u gudbino dhambaal odhanaya soo dhisa dekadii Lughaya, qorshuhuna waxa uu yahay in aan hada ku bilawno deked kaluumaysi oo ay dadku ku shaqaystaan oo tayo leh”
.
“Sanad iyo laba bilood oo uu ururka ARDAA halkan ka shaqaynayay waxa aan la xidhiidhnay meelo badan oo dunida dacaladeeda ah oo uu qalab iyo war wanaagsan nooga soo socda, balse mida muhiimka ahi waxa ay tahay inay ka soo qayb galaan dadka oo dhani dhismaha dekadan Lughaya oo ah dan guud, waa hubaal in dekadaasi ay wax badan ka tarayso baahida degaankaas sida abaaraha oo kale daboolidiisa, si taasi loo helona waa in la helaa dekedaas kaluumaysiga, oo fure u noqon doonta magaalada Lughaya oo camiranta iyo shaqo abuur badan oo ku xiga” ayuu yidhi Sh. Xasan
.
Sh. Xasan oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Waxa aan ku buurinayaa dadka u dhashay degaankan iyo dadka kale ee reer Somaliland ahba inay ku dhismaha dekedaasi tahay mid masiiri ah oo u baahan in la dhaqaajiyo oo laga wada qayb qaato, waxa nagu badan in la leeyahay maxaad u bilaabi waydeen, waxana jirtay inaanaan haynin qalab iyo hanta, lagu bilaabo, sanad ka badan oo aan u dadaalnay qalab ayaan rajaynaynaa waaanan bilaabi doonaa, dadkuna Eebe agtiisa wax badan ha gaystaan oo ha ka soo qayb galaan dhismaha dekedaasi”
.
Sh. Maxamed Daahir Dhawal oo isaguna ka mid ah xubnaha ururka ARDAA oo halkaasi ka hadalay ayaa waxa uu yidhi “Xubnahan idin horfadiya ee ARDAA waa xubnihii hawsha dekeda loo soo wareejiyay ee ay ahayd inay dhiiri galiyaan waxna qabtaan, waxa aan qabanay hawlo badan oo u badan xidhiidh dibadeed oo 5ta qaaradoodba ah, hawshayaduna waa in aan Lughaya ka samasano deked kaluumaysi, dadkeeni waxa ay ahaan jireen kuwo ku nool waxa ka soo baxa beeraha iyo xoolaha, beerahii manta waa laga soo hoyday oo wax yar ayaa ka soo baxa, xoolahiina waxa aad moodaa inay da’yartii ka timid oo ay odayaashii ku hadheen, waxana aan manta rabnaa in aan dadkeena ku nool Awdal, Salal iyo Gabilay u jihayno dhinaca xeebta, in aan da’yarteena ku dhimanaysa xeebta Liibiya ka jihayno oo aan u jihayno xeebta Lughaya”
.
“Sh. Maxamed oo hadalka sii wata waxa uu yidhi “hadii sidaas ay tahay waxa aan rabnaa in odayaal, cuqaal, qaxgarad iyo qurbojoogba hawshan loo soo jeesto oo wax lanala qabto, dadkii way na soo eegayaan oo ay na leeyihiin dekedii ma dhisantay, wixii aan ku dhisi lahayna wali la nooma dhiibin, markaa manta salaadiintii dadka xukumaysay ayaan keenay oo aan rabo inay dadka u sheegeen baahida taala ee loo qabo in deked la dhiso”
.
Marwo Caasha Cabdilaahi Kaluunle oo ka mid ah xubnaha gudida ARDAA ee ku hawlan dhismaha dekeda Lughaya ayaa iyaduna ka warantay waxa u qabsoomay haweenka ee ku aadan dhismaha dekadaasi waxana ay tidhi “Hawlo badan ayaan haynaa, wax badana way noo qabsoomeen, waxnase u sheegayaa dadka u dhashay degaanadan meelkasta oo ay ku nool yihiin in hawshu balaadhan tahay oo Far kaliyahi fool ma dhaqdo, sidaas aawadeed idinka ayaan idin sugaynaa ama gude joog ama dibad jooge, waxana aan u kacnay oo aan ka dhiidhinay dhibta taala dalkeena ee haysata qaasatan dhalinta, waxna aan rabnaa in khayraadka dalkeena la soo saaro oo lagu baraarujiyo da’yarta in dalkeenu dihin yahay oo uu u baahan yahay in wax laga soo saarto si loogu noolaado.
.
Faaisa Sh. Siciid Sh. Xasan oo iyaduna ka mid ah xubnaha gudida ARDAA ayaa hadalo dhiiri galin ah halkaasi ka soo jeedisay waxana ay tidhi “ARDAA waxa ay u baahan yihiin in dhiiri galiyo oo gacanta loo soo fidiyo oo wax la bixiyo si ay dekedu u dhisanto, sidaas aawadeed dadka ku abtirsada goboladan ayuu saaran yahay waajibka u horeeya, waxana aan qiryaa in haweenka dibadu yihiin kuwa ugu firfircoon hadii ay huraan oo ay bixiyaan waxa loo baahan yahay, sidoo kale haweenka ku nool dalka ee goboladan ka soo jeeda waa dumar aan aqoon sida sharaabka loo cabo, sida loo nasto, sida la isku dhalaaliyo, waxana ay u tafa xayteen in ay wax qabtaan, oo dekedaasi dhisanto, sidaas aawadeed waa inaad u soo jeestaan oo aad dhiiri galisaan oo aad la ogaataan halka ay wax wadaan, waxa aad haysaana aad ku soo taageertaan, hadii intaasi la isla helo, dekedu way dhismaysaa, raguna waxa ay helayaan wax dhiiri galiya oo ku qasba inaanay fadhiisan habeen iyo maalin si ay wax u qabtaan, markaa waxa inoo balan ah inaan u soo jeesano waxqabad muuqda oo dhulkeena ka hana qaada oo dekedu ugu horayso”
.
Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Abiibakar Cilmi Wabar, Sul. Maxamed Cabdi iyo Sul. Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hoosta ka xariiqeen ahmiyada ay leedahay dekeda Lughaya, waxana ay ugu baaqeen dhamaan dadka Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan dhismaheeda, sidoo kale waxa ay xuseen in dekeda dhismaheedu uu u baahan yahay in lagu tartamo si uu u noqdo mid midha dhala, waxana ay tani badalkeeda balan qaadeen inay ka oday dhaqameedyo ahaan la barbar taagan yihiin heel iyo hoo, hadal iyo hawraar dhiiri galin ahba ee loo baahan yahay, waxana ay mudnaanta siiyeen in qurbojoogu ay noqdaan kuwa dedaalka ugu badan la yimaada iyada oo dalka gudihiisana ay bulshada ugu baaqeen inay ka qayqaataan dhismaha dekeda Lughaya.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:063405241

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com