Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Genel Energy oo si rasmi ah uga soo laalaabatay Gobolka Togdheer

Genel-Energy(maantasomaliland):-Shirkada  Genel Energy ee hawsha Sahaminta shiidaalka ka waday gobolka Togdheer ayaa ka soo laalaabatay shalay galab qalabkii u yaalay Kaamamkii ay Oodatay, halka saraakiishii Ajaanibta ahayd ee shirkadaasi Doraad Hargeysa u soo guurtay.

Wariyaha Gobolka Togdheer ee Waaheen ayaa ku soo waramayay gabi ahaan Kaamamkii ay shirkadaasio deganayd in ay ka bilowday in ay ka soo daad gurayso Qalabkii ay geysay, isla markaana ay shaqaalihii Ajanabiga aha aka soo yaaceen doraad iyada oo aan illaa hada la ogayn sababta rasmiga ah ee kaliftay guuritaankooda.

Wariyuhu waxa uu sheegay in ay soo baxayaan warar is khilaafsan oo ku saabsan arrintana waxaanu sida uu sheegay xog ku helay in maaro la waayay khilaafkii ay dadweynaha deegaamada kala duwan ee ay hawsha ka wadaan kala horyimaadeen isla markaana ay baqdin uga soo guureen.

Waxa kale oo uu xusay in ay jiraan warar ku tidhi ku teen ah oo dhex socda magaaladda Burco kuwaas oo u food saaraynaya Dacwad shirkadda lagaga furay dibedaha oo ay ka danbayso Dawladda Federalka Somaliya, taasoo ku andacoonaysa in aanay shirkaduhu Somaliya ka fulin Karin hawl shiidaal baadhis ah ilaa ay heshiis la galaan Dawladooda.

Ilo wareedyo u dhuun daloola shirkadan oo uu wariyuhu kala sheekaystay dhacdadan ayaa iyana u sheegay in ay sababtay maamul xumo dhexdooda ah iyo shirkadda oo u muuqata mid aan la isku halayn Karin, taasoo uu ku tilmaamay in loo sheegay in shaqaalaha sare ee Ajaanibta ahi yihiin kuwo Puntland ka hawl gali jiray isla markaana aan la hubin mashruuca ay wadeen waxa uu ku sal lahaa.

Warar sheegayay in shaqaalaha Ajaanibta ahi shalay ahaan ka baxayeen Dalka ayaan wali suurtogelin, hase yeeshee waxa la hubaa in ay wali ku sugan yihiin Hargeysa, isla markaana naawilayaan daabulka la soo daabulayo qalabka ka yaala Kaamamkii ay samaysteen oo ay wali ku sii hadhsan yihiin shaqaalihii Somalida ahaa.

Si rasmi ah looma oga heshiiska u dhaxeeyay Shirkadda Genel Energy iyo Xukuumadda Somaliland, marka laga reebo heshiis sadex shirkadood ah oo gudahooda ah kuwaas oo kala Iibsaday mashruucan Sahanka, waxaana in badan soo baxayay in aanu mashruucani soconayn, maadaama aanu ku fadhiyin sharciyad rasmi ah isla markaana aanay Baarlamaanka Somalailand Ansixin.

Si kasta ha ahaatee fashilaada Mashruucan ku timi ayaa dabada ku haysa heshiiska Xukuumaddu la gashay oo Qarsoodi ahaa iyo dhaqaalihii shirkadaha laftoodu kala qaateen oo aan gaadhin dadkii loogu talo galay oo ahaa Dadka Deegaamada hawsha laga waday.

XIGASHO WAAHEEN

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com