Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qaraxyo Xoogan Oo Goowr Dhowayd Ka Dhacay Muqdisho Iyo Faahfaahin Ka Soo Baxayso Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa

qarax(maantasomaliland):-wararka ka soo baxaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya  in halkaasi iminka ay ka dhaceen qaraxyo xoogan.

Qof ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa warbaahintala u sheegay in qaraxyada ay ahaayeen gaadiid ayna ka dhaceen barxada hooyooyinka goob gaadiidka lagu baarkingareeyo

Sidoo kale, Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo nawaaxiga guriga hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyada ismiidaaminta ah ee halkaasi ka dhacay ay ka dhasheen khasaaro dhimasho ah iyo dhaawacba leh.

Tiro hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaysa in dadka geeriyooday ay gaarayaan ilaa 4-ruux halka dhaawaca uu kor udhaafayo toban ruux oo dhamaantood ahaa dad goobta ka agdhawaa.

Lama oga sababta ka dambeysay qaraxyadaan iyo cida gaarka ah ee bartilmaameedku uu ahaa maadaama goobta ay tahay goob barxad ah gelinka horena gaadiidka la dhigto halka gelinka dambana kubad dhalinyarada ay ku ciyaaraan.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa ku sugan ciidanka Dowladda Soomaaliya oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala halkaasi,iyadoo dadka dhaawacmay goobaha caafimaadka loo qaaday.

Si kastaba ha ahaatee waxan Weli Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin qaraxyadaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.
xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com