Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaradda Warfafinta Iyo Wacyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) Ayaa Maanta Dhagax Dhigay Dhismaha Xaruntii Ugu Horaysay Ee Aarkiifiyo Ah Ee Ay Yeelan Doonto Wasaaradda Warfaafintu.

Cukuse(maantasomaliland):-Wasiirka wasaradda warfafinta iyo wcyigelinta Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaruntii ugu horaysay ee Aarkiifiyo ah ee ay yeelan doonto wasaaradda Warfaafintu.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf ayaa halkaa ka sheegay in dhismaha arkiifiyadu yahay mashaariic horumarineed oo wasaaradda laga fulin doono.

Wasiirka wasaradda warfafinta, dhaqanka iyo wcyigelinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo munasabadda dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in dhismahan loo adeegsan doono xarun arkiifiyo ah oo ay yeelan doonto wasaaradda Warfaafintu.

Wasiirku waxa uu xusay in dhowaan la bilaabi doono dhismayaal kale oo ay ka mid noqon doonto xarun cusub oo ay yeelan doonto wasaradda warfaafinta iyo wacyigelintu iyo hool weyn oo qaabka tiyatarka ah oo qaadi doona ilaa shan boqol oo ruux, hoolkaas oo ay dawladdu kulamadeeda ku qabsan doonto xiliga malinimada, fanaaniintuna ay ku soo jeedin doonan bandhigyadooda.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta waaxyaha wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com