Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada Somaliland Oo Shaacisay Inay Soo Gabo-gabaysay Bedalka Lacagtii Giimbaartii Ceerigaabo

Somaliland_Shilling1(maantasomaliland):-Magaaladda Ceerigabo ee xarunta gobolka Sanaag oo ay muddo laba maalmood ah ka socotay hawl-gal ay xukuumadda Somaliland kaga bedeleysay lacagta Giinbaarta ah ee Soomaaliga oo hore magaaladaasi looga isticmaali jiray, isla markaana lagu bedelayay shilinka Somaliland ayaa soo gab-gabawday.

Waxaana la sheegay in Tallaabadaas lagu guulaystay boqolkiiba sagaashan (90%) sida uu noo xaqiijiyay Kor-joogaha baananka gobollada barri ee Somaliland Cumar Cabdi Axmed oo xalay oo warbaahinta u waramay, isaga oo joogay magaaladda Ceerigaabo. iyada oo wakhtigii loo qabtay in lacagtaasi lagu bedelo oo ahayd 48,saacadood ay xalay ku ekayd.

 

Cumar Cabdi Axmed, Kor-joogaha baananka gobollada barri ee Somaliland waxa kale oo uu sheegay in aanay dadka shicibka ah ee lacagtaasi hore u haystay marka laga bedelo aanu wax khasaare ahi ka soo gaadhi doonin, isla markaana ay lacagta Somaliland uga qiimo badan tahay lacagtii giinbaarta ahayd ee shillin Soomaaliga ahayd.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wuu dhammaaday wakhtigii loogu tallo galay bedelaada lacagta Giinbaarta ah ee shilin Soomaaliga oo ahaa 48 saacadood, Lacagta bedelaadeeda wakhti ayaa loogu tallo-galay, wakhtigiina way ku dhammaatay ama wayba ku yaraataay, markaa waxaa la odhan karaa 90% bedelkii wuu suurto galay, in dadka qaar ay suurto-geli waydo waa wax dhici kara, waana wax dhici kara in wax isbedelaan oo sariflayaasha wixii aanu u saarnay ee khidmad ahaa ay wax dul saaraan, waana wax dhici kara in ay macaash saaraan sariflayaashu, tusaale ahaan kunka shalin ee Giinbaarta ah waxaa lagu bedelayay saddex kun oo shilin Somaliladn ah, sidii amarka aanu ku bixinay, laakiin marnaba khasaare ma jiro, lacagta Somaliland way ka duwan tahay, kana qiimo badan tahay tii ay hore u isticmaalayeen ee Mar aanu waydiinay su’aal ahayd in wakhtiga loo qabtay in dadku ay lacagta ku bedeshaan uu ku yaraa ama ku koobnaa, waxa uu ku jawaabay “Arrintaasi aad ayaa looga fikiray, lacagtani waa mid dhinaca Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka socota, haddii muddada la dheereeyo iyo haddii laga gaabiyaba ma soo afjarmi karto, markaa haddii wakhtiga la dheereeyo qul-qul ayaa iminaya laakiin muhiimadu waxa weeyi in wareegii lacagta gacmaha dadka ku jirtay deegaankan aanu horta ka qaadno, oo aanu shilinka Somaliland gacmahooda gelino,wixii danbe waa is-daba raacis oo dadku iyaga ayaa iska saari doona, markaa ma suurto gelayn in wakhti intaa ka badan la siiyo sababta oo ah lacagtani waxa ay ahayd lacag baanan badan taalay oo foojri ku dhex jiro, lana soo dhex raacin karo, markaa dadkuna wax mushkilad ah kalama kulmayaan lacagtiina bari oo dhan Puntland ilaa Soomaaliya ayay ka shaqaynaysaa, dadkuna way iska riixayaan” ayuu yidhi Cumar Cabdi.

Kor-joogaha baananka gobollada barri ee Somaliland, ayaa tilmaamay in laga bilaabo maanta aan laga ogolaan doonin in meheradaha kala duwan ee ganacsigu ay dadka wax kaga iibiyaan lacagta Giinbaarta ah, isla markaana ay ciidamada boolisku arrintaasi daba geli doonaan iyaga oo hubin doona cidii lacagtaasi wax ku iibinaysa.

Cumar Cabdi Axmed isaga oo faah-faahin ka bixinaya wakhtiga uu bilaabanayo mamnuucista lacagta shillin Soomaaliga ah iyo cadadka lacagta ay ugu talo galeen in lagu bedelo lacagtii hore waxa uu yidhi “Lacagtana waxa laga mamnuucay Ceerigaabo waa isticmaalkeeda, laakiin sarifka ma aha, dadku sariflayaasha ayay ka bedelanayaan, haddii ay lacagta wax baaqi ku noqdaan magaalada oo ay dadku ka wada faa’iidaysan kari waayaan deegaanadii ay ka shaqaynaysay ayaa loo dirayaa, lacag dhawr bilyan ah ayay sarifeen oo ay u ruriyeen sariflayaashu, deegaamada laga isticmaalo ayaana loo riixayaa, laakiin isticmaalkeedii ayuun baa Ceerigaabo laga joojiyay laga bilaabo caawa (xalay) berina (maanta) ay ciidamada ammaanka iyo booliisku hubin doonaan cidii lacagtaasi isticmaalaysa, meheraduhu in ay wax ku iibinyaan ayaa la mamnuucay, laakiin sarifka lacagta lama mamnuucin oo wuu iska soconayaa, mamnuucida macnaheedu ma aha in la xidhayo meherada lagu arko iyada oo wax ku iibinaysa bal se, waxa ay tahay waa in aanay meheraduhu waxba ku iibin karin cashuurna lagu qaadi karin, waana kuwa arrimaha uu qofku danbiga ku galayaa”.

GiimbaartiiWaxaanu intaasi raaciyay “Baan dhan ayaanu u furynay dadka si ay lacagaha uga bedeshaan, waxaanan ugu talo galnay Ceerigaabo wixii ay dadku ku haystaan iyo tuulooyinka ku dhaw dhaw ee ay suurto gal tahay in ay shilinka Somaliland la isticmaalaan ayaanu ugu talo galnay, lacagtaasina waxay ahayd lacag Bilyanis ah oo sariflayaasha aanu doollar ugu bedelaynay. dadka wixii na soo gaadhay way yimaadeen waana loo bedelay, haddii se ay jiraan dad wakhtigu u saamixi waayay waa loo bedeli doonaa ama baabuur ayay saari doonaan si loogaga soo bedelo meelaha laga isticmaalayo, laakiin wixii imika ka danbeeya shilinka Somaliland ayaa wax lagu kala iibsanayaa” ayuu yidhi Md. Cumar.

Dhinaca kale dadwaynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa si wayn u soo dhaweeyay talaabadan lacagta lagaga bedelay, waxaanay sheegeen in arrintani ay ka bad-baadin doonto sixir barrar iyo dhibaatooyin kale oo ay lacagta Giinbaarta ahayd ku haysay dhibaato xaga sicir bararka ah.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com