Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

UCID Faysal Cali Waraabe.Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Xisbiga UCID Ee Gobolka Maroodi-Jeex.

Eng.-FaysalCali-Waraabe-Boorama-2(maantasomaliland):-Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodi-jeex, C/Raxmaan Aadan Sheekh Haaruun, ayaa xilkii iyo xubinimadiisii xisbigaasi laga xayuubiyay, sida lagu sheegay qoraal uu maanta soo saaray Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
“Laga Bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 07/09/2013, waxa laga qaaday xilkii uu ka hayay xisbiga UCID Mudane C/Raxmaan Aadan Sheekh Haaruun oo ahaa Guddoomiyihii xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex,”ayuu Gudoomiye Faysal ku sheegay qoraalkiisa.
Waxa uu intaas ku ladhay “Markaanu arragnay xeerka xisbiga UCID Qodobkiisa 8-aad ee waayida xubinimadda xisbiga, Markaanu dhegaysanay Gudidii anshax marinta warbixinteeddii. Markaanu arragnay hab-dhaqankiisa waxa noo muuqatay in ku jiritaankiisa xisbigu ay khatar ku tahay sumcadda iyo midnimadda xisbiga UCID, isla markaana aanu arragnay inaanu buuxin shuruudihii xisbiga ee xubinimadda xisbiga”
“Sidaasi awgeed, waxaanu maanta laga bilaabo 07/09/2013 xubin kama aha xisbiga, xilkii uu u hayay xisbiga iyo xubinimadiina waanu ka xayuubinay,”ayaa lagu sheegay qoraalkaasi.
Xisbiga UCID tafaasiil kamay bixin asbaabaha dhalisay in sarkaalkaas la isugu darro xilka qaadis iyo in xubinimaddii xisbiga dibadda laga dhigo, hase yeeshee waxa ilo xog ogaal ahi sheegayaan inuu ka horyimid siyaasadda iyo Hoggaaminta Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.ilaa hada wax wari kama soo bixin sababta uu la xidhiidho xil ka qaadistan gudoomiyuhu soo saaray xaga xisbiga.

 

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com