Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka Magaalada Burco Oo Ka Hadlay Arin Ah Xabaalaha Burco Oo La Boobayo Iyo Culimada Oo Ka Digtay Arimahaasi

burco-(maantasomaliland):-Xabaalaha magalada Burco ayaa Beryanaba waxaa soo food-saaray Boob iyo degaamayn aad u fool xun, taas oo Beryanba magaalada Burco lagu arkayay dad Dhul ka dhiganaya si ay dad kale uga iibiyaan ama iyaguba u degaan.Aasaartii ay xabaaluluhu lahaayeen ee ahaa dhagaxaanta dul saaran ayay dadkaasi habeenkii  ka Gurayaan, waxaanay taasi sababtay in meel aad xabaalo ku ogayd uun markaliya aad ku arkayso iyadoo meeshii meherado ama degaan kale ay isu bedeshay, xataa waxa ay gaadhay in xabaalaha laga dhigto meel ay dadku kireeyaan oo suuliyo ah.

Arintan oo ah dhaqan xun oo magaaladda Burco ku soo badanaya ayaa xalayto magaalada Burco lagu qabtay shir lagaga hadlayo   si arintan xal looga gaadho amaba loo dabaqabateeyo xabaalaha inta hadhay.

shirkan oo uu soo qabanqaabiyay maayarka Magaalada Burco Maxamed Muraad ayaa waxa uu kulankaas isugu yeedhay Culimada iyo dhamaanba Iimaamyada masaajidada magaalada Burco, waxaana shirkaas lagaga dhawaaqay sidii qaadhaan loogu Ururin lahaa isla markaana Gudi loogu samayn lahaa xabaalaha inta hadhay sidii loo badbaadin lahaa ama Dayrar loogu wareejin lahaa.


Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdi oo shirkaas ugu horayn ka hadlay yidhi”waxaa naloo xaqiijiyay in  niman la garanayo intay habeeNkii xabaalaHa Faralay ula tagaan Baloodho ka soo saara oo la dego, waxaynu isugu nimi an arintaas aan iska kaashano Culimo iyo dawlad ahaan” waxaanu intaas raaciyay Maayarku inay arintan ka dawlad hoose ahaan arkeen iyadoo suuliyo laga dhigtay oo saxaradii lagu raray.


Shiikh Yuusuf Cabdi Cawed, shiikh Cabdi wahaab, shiikh Aadan OO KA MID AH Culimada Togdheer oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay arintani leedahay waxaanay dadyawga Muslimiinta ah ka codsadeen in arintan laga qayb qaato sidii loo joojin lahaa,.

sidoo kale salaadii jimce ayaa masaajidada magaalda Burco arintaas lagaga hadlay waxaanay Culimadu codsadeen in arintan layska kaashado, arintan oo ah bay yidhaahdeen arin diinta iyo dhaqankaba ku xun.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com