Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Beledweyn Oo Laga Maqlay Qarax Xoogan Oo Khasaara Geestay Iyo Warbixino Kala Duwan Oo Kasoo Baxaayo.

9th-pix2-800x533(maantasomaliland):-Wararka naga soo gaarayo Magaalada B/weyen ayaa waxa ay sheegayaan in maqaayad lagu cuneynayay raashiin lagu qaaday weerar banbaano iyada oo ay ka dhasheendhimasho iyo dhaawac.

Inta laOgyahay weerarkaasi ayaa waxaa ku waxyeeloobay Shan ruux oo ku dhaawacantay weerarkaasi halka uu ruux kalana uu ku dhintay.

Cali Dhuux Cabdi Mahadalle oo ah taliyaha Police-ka B/weyne ayaa waxa uu sheegay in uu weerarkaasi ahaa mid waxashnima ah maadaama shacab casheynaya lala eegtay.

Sarkaalkaan ayaa waxa uu sheegay in ay sameeyeen baaritaanno ayna soo qabteen dad lala xariirinaayo in ay ka danbeeyeen baaritaan dheeraad ahna ay ku wadaan si ay u ogaadaan danbiilayaasha.

Maqaayada weerarka lala eegtay ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku sugnaayeen xubna ka tirsan ciidamada amaanka ee  dowlada Soomaaliya inkasta oo aan la sheegin wax qasaara ah oo iyaga soo gaaray.

Ma cadda sida Maamulka uu ka yeelidoono weerarada kusii badanaayo halkaasi waxaana iminka inta badan wadooyinka lagu daadiyay Ciiddamo, iyadoona ay qaar wadaan Howlgalo ballaaran oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.
by abdikani

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com