Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Limaan, Ayaa Maanta Tababar U Furay 70 Sarkaal Ka tirsan Ciidanka Booliska, Kuwaasi Oo Qaadan Doona Shuruucda La Xidhiidha Baadhista Dambiyadda.

Taliyaha-Booliska-121(maantasomaliland):-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa maanta tababar u furay 70 sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaasi oo qaadan doona shuruucda la xidhiidha baadhista dambiyadda.

Taliyaha Ciidammadda Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo halkaa ka hadlay ayaa tilmaamay inay tababarkan ku qaadan doonaan xeerarka kala gadisan ee baadhista dembiyada.

Tababarkan oo ay bixinayaan saraakiil sare oo uu ka mid yahay Gaashanle Sare Yuusuf Cabdi iyo Gashanle dhexe Jaamac Xariir, waxa Taliyuhu intaa raaciyey in tababarkani aanu noqon doonin kii ugu horeeyey,iska markaasina aanu ku koobnaan doonin caasimada oo kaliya balse dhamaan saraakiisha ciidamada uu wada gaadhi doono.

Taliyaha Ciidanka Bilaysku waxa uu xusay in loo baahan yahay in Sarkaalku uu yeesho go’aan qadasho hufan isaga oo muwaadinkana xuquuqdiisa dhawraya.waayo ayuu yidhi Taliyuhu , hogaamiyaha wanaagsani waa qofka aan ku dhaqmin Eex iyo dad jeclaysi,waxa kale oo uu u soo jeediyey ka qayb galayaasha tababarka in la ilaaliyaa shafarta darajooyinka, waayo waxa darajada la idiin-siiyey taliyuhu inaad ku shaqaysaan ,dadkana ugu adeegtaan,idinkoo tababarkan ku baran doona kala danbaynta. Waxaanuu kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan inta tababarku socdo duruusta ay qaadanayaan.

Waxa kale oo uu ku booriyey taliyayaasha saldhig-yada inay cadaalad ku shaqeeyaan,xeerarkana siday yihiina ay ugu dhaqmaan.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com