Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac Buureed Ayaa Soo Bandhigtay Mashruuc Ku Wajahan Horumarinta Khayraadka Badda

wasiirka-kalluumaysiga(maantasomaliland):-Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac Buureed, oo uu weheliyo Wasiirka Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire ayaa maanta ka qayb galay Xaflad lagu soo bandhigayey Mashruuc xagga kaluumaysiga ah oo ay Wasaaradda Kaluumaysigu La waday Hay’adda Sofreko oo uu Baanka adduunku u igmaday inay la shaqayso Wasaaradda khayraadka Baddaha iyo kaluumaysiga, taasi oo lagu qabtay Xarunta wasaaradaasi ee Hargeysa.

Wasiirka qorshaynta Md. Sacad Cali Shire,oo ugu horayn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in heshiiskani uun dhowr weji leeyahay,oo uu mid yahay sidii ay shirkadu wasaarada uga caawin lahayd Siyaasadda Guud, midna waxa uu jyo saabsan yahay dhinaca Xog ururinta ay uga caawin lahayd.

Mudane Sacad Cali Shire waxa uu intaa raaciyey in heshiiskan uu ku jiro oo kale wacyi gelin dadka loo samaynayo. Waxaanu xusay inuu yahay qaab aad u wanaagsan , Wasaarad qorshayn ahaana ay dhiiri geliyaan.
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac,oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay ,in Kulankan ujeedada ay u qabteen ay tahay sidii ay u soo bandhigi lahaayeen Mashruuc laba sanadood mudadiisu ahayd oo ay wasaarad ahaan la wadeen hay’adda Sofriko, isla markaana uu Baanka adduunkuna maal-geliyey.

Wasiirku waxa xusay in ay sameeyeen heshiis ay labadooda dhinac wada galeen,waxaanu ntaas ku daray in Mashruucan oo ay haatan muddo toban bilood ahi ka hadhsan tahay ay doonayaan in tobankaa bilood lagu fuliyo, laguna soo ururiyo mashruuca loogana faa’iideeyo dalka.

Mudane Cali Jaamac Buureed waxa uu tilmaamay in mashruuca uu markii hore dib u dhac ku yimid, sidaa darteedna ay labadooda dhinac haatan galeen heshiis tobankaa bilood ah in howshii mashruuca lagu dhamays tiro.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Isuduwaha Baanka adduunka u jooga Somaliland Najiib Xasan Xaashi iyo Maxa baanka Aduunka ugu qaabilsan iyo Madaxa Hay’adda Sofriko, waxaanay dhamaan tiooda ka hadleen mashruucan ay wada wadaan wasaaradda kaluumaysiga iyo qorshaha la doonayo in loo fuliyo.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com