Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub Ee W/Boosaha Iyo Maktabadda Qaranka

IMG_0065(maantasomaliland):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa maanta dhagax-dhigay Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsinta Jamhuuriyada Somaliland iyo Maktabada Qaranka “National Library” taas oo Madaxweynuhu ugu deeqay dhulka loo qorsheeyay in laga Hirgaliyo.

Madaxweynaha oo ay Weheliyaan Qaar ka Mid ah Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano iyo Madax kale waxaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay Wasaarada boosaha iyo Isgaadhsiinta Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Jaamac Abgaal oo Tilmaamay qiimaha ay Wasaaradani ugu fadhido dhismaha qaranka waxaanu Madaxweynaha ugu Mahadceliyay dhagax dhigida Wasaarada boosaha.Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo hadal kooban madashii dhagax dhigid ka jeediyay ay sheegay inuu ku faraxsan yahay dhagax dhigida dhismaha wasaarada boosaha waxaanu xusay in mudooyinkii u danbeeyay ay Xukuumadu ku hawlanayd sidii ay Hay’adaha dawlada ugu samayn lahayd dhismayaal lagu soo Hirto.

Sidoo kale Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo dhagax dhigay Maktabada Qaranka “National Library” Isagoo Sheegay inay qayb weyn ka qaadanayso horumarinta iyo Kobcinta Waxbarashada.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com