Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Sabtidii Todobaadkan Shaaciyay Dhismaha Dayactir Balaadhan Oo Xukuumaddu Ku Samaynayso Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Berbera Oo Khasaare Badan Oo Shilalka Gaadiidka Ahi Ka dhacaan Mar-Walba Dayaca Ka Jiray Darteed.

Wadada-Hargeysa-iyo-Berbera-300x246(maantasomaliland):-Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu shaaciyay bilowga dhismaha jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxaanu yidhi “ 07/09/2013 Waa Maalin qiimo weyn u leh dhammaan qarankeena Somaliland, waa Maalin taarikhiideena kaga suntanaan doontaa baal dahab ah, waa maalin aan bilownay dhismaha, dayactirka iyo hagaajinta Waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbara oo runtii dayac badan ku jiray, waa waddo halbowle u ah qarankeena iyo dhaqalaheena, waa wado dayaceedu sababay ta Alle ka sakow in ay inagaga dhintaan dad milgo badan ku lahaa ummadeena, waxaan ku faraxsan nahay innaga oo dawlad, shacab iyo duco-ba kaashanayna in aan dhisano isla markaana horumarsano wadooyinkeena.”

“Ka dawlad ahaan way nagga go´an inaanu gelino tacab iyo dedaal wixii awoodayada ah, Insha Allaahu waynu gaadhi doonaa maalin maalmaha ka mid ah in laamida isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo sidan quruxda baddan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oodhan-baWaxaynu ognahay waddooyinka iyo kaalinta ay kaga jiraan horumarka umadeed,”ayuu Wasiir Xirsi ku yidhi Qoraal dheer oo uu ku soo daabacay Mareegtiisa guusha.com.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaynu ognahay in beeralaydeena, Kalluumaysatadeena iyo dhammaanba shacabakeenu ayna ka maarmi karin in ay helaan wadooyin tolmoon oo wixii ay ku soo tabceen mariyaan balse sidoo kalena waxaan ognahay tamarteena dhaqaale iyo sida aynaan gacmo shisheeye waxba aynaan kaalmo uga helin, yeelkeede waxaynu ku kalsoon nahay Allaheen oo nin Alle Weheshaday Wehel uma Baahna.”

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in qorshaha xukuumadda uu ka tirsan yahay ay tahay sidii laamiyadda dalka loo dayactiri lahaa dhammaantood, halka kuwo cusubna la samayn doono, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaa meesha aan ka maqnayn tamarta ummad tashatay ay leedahay,Waxaa hubaal ah in Laamiyadu ay dheer yihiin waxaana lagu qiyaasa ilaa 770-KM marka laga soo bilaabo Dilla halka ay waddadu ku joogtey inta cusub ee ay dawladu ku dartey mooyaane illaa iyo inta uu xadku ku joogo ee Laascaanood inta laamigi ah, waana inta kaliya ee isku xidhka laamiya ee dalku leeyahay.Waxa qorshahayagu uu yahay intii laami ahayd ee isku xidhneydna aanu laami hagaagsan ka dhigno, inta kalena aanu ku dedaalno inaanu laamiyo cusub ka dhisno.”

Wasiirku waxa uu balan-qaaday in xukuumaddu ay kaalinteeda ka qaadan doonto dhammaan waddooyinka ay dhismaheeda wadaan bulshaddu, waxaanu yidhi “Waxaad ogtihiin in ay tahay markii ugu horaysay ee aan inaan laamiyo cusub dhisno 20-sanadood, waxaynu ku koobnayn kab-kabka iyo buux-buuxinta laamiyada,Laakiin waxaanu qorsheynay in laamiyo cusub la abuuro sida laamida aanu gacanta ku hayno iyo waddada aanu gacanta ku hayno ee Wajaale,sida waddooyinka ay dhismaheeda wadaan bulshadu ee ay dawladuna gacanta ka siinayso,ee u baxaya Sallaxlay,Balli-gubadle, haday tahay waddada Cad wixii suuragal ah ayaanu bulshada kala qeybqaadan karno, Waddada Oodweyne Iyo Burco u kala baxda wixii suuragal ah tacab ayaanu gelin doona waanay nnaga go´an tahay.”

“Waxaanan ka codsanaynaa bulshadda reer Somaliland inay sidda ugu fiican uga qeyb qaataan. ugu dambayn waxaan shacabka reer Somaliland leeyahay Laamidan aad arkaysaan waanu qiimaynay Miter isku weerku waxa uu noqonayaa $15.5 Dollar, qofkasta oo muwaadin ahi wuu bixin karayaa,wax ayeynu qabsan kareynaa oo wax tayo leh ayeynu sameyn karnaa ayaad iyo aad ayaan ugu baaqaynaa bulshada inay ka qeyb-qaataan dhismaha waddooyinka,”ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirku waxa uu soo jeediyay inaan dheg jalaq loo siin wax uu ku tilmaamay war-xumo tashiilka dacaayadda uun ku foogan ee waxma-tareyaasha ah, waxaanu yidhi “Dadka war-xumo tashiilka ah ee ka shaqeeya tashuushka,dadka waxba-matareyaasha ah ee aan waddanka waxba ku kordhin ee afar iyo laabatanka sacadood ka shaqeeya dacaayada inaan dheg loo jalaq siinin oo aan la dhageysanin, waxaanu muujin doona tacab rasmiya oo muuqda oo qof waliba indhihiisa iyo gacantiisaba ku taaban karo Insha Allah.”

“Waynu gaadhi doona in laamida isku xidha Hargeysa iyo Berbera oo sidan quruxda baddan u dhisan oo kale iyo laamiyada dalka oo dhan-ba Waxna weynu qabsan karnaa,waxna weynu horumarin karnaa haddii aynu la nimaadno niyadsamideedii,isku duubnideedii iyo dedaalkii…… Wa BIlaahi Tawfiiq,”ayuu khudbadiisa ku soo gunaaday Wasiir Xirsi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com