Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wafdigii Dawlada Itoobiya Ugu Maqnaa Wada Xaajoodka Arinta Diyaarada Itoobiyaan Airline Oo Kulan Gaara La Yeeshay Safiir Ku Xigeenka Ingiriiska ee Fadhigiisu Yahay Adiss Ababa Itoobiya

0ed482e75caf339c7eef3be9469b06dc_L(maantasomaliland):-Waftigii Wasiirada ahaa ee uu mdaxwayne silanyo u diray xalinta iyo ka talo keenida hakadkii ku yimid Duulimadyadii diyaaradii Ethiopian Airline  ayaa kulan baladhan la yeeshay Safiir ku xigeenka ingiriiska ee magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka IToobiya.
Kulankaasi oo sida la sheegay labada dhinac kaga wada hadleen  sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan iyo wada shaqaynta ka dhexaysa, waxaanay sidoo kale ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa arrimaha dhinaca taageerida iyo horumarintii uu Ingiriisku ka taageeri jiray Somaliland.
Weftigan Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade oo uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa waxa ay sidoo kale Magaalada Addis Ababa kula kulmeen Masuuliyiinta shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiyaan Airline,oo ay ka wada hadleen sababihii ay u joojisay duulimaadyadeedii ay ku iman jirtay somaliland balse ilaa iyo hada ma jirto waxa ay isku afgarteen walow ay socdaan wali socdaan wada xaajoogku kulankaasi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/xuseenxarbi@gmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com