Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Soo Agaasimay Mudaharaad Lagu Mijo-xaabinayo Ammaanka Iyo Aqalka Wakiiladda

cabdiraxmaan-cirro-1(maantasomaliland):-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa soo agaasimay mudaharaad balaadhan oo lagu khal-khal gelinayo Nabad-gelyadda dalka iyo Golaha Wakiiladdaba. Ka dib markii labada xisbi mucaarid ee WADDANI Iyo UCID ay ku baaqeen wax ay ugu yeedheen mudaharaad salmi ah oo lagaga soo horjeedo Xeerka takaaliifta waddooyinka ee aqalkaasi horyaala.

Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga WADDANI Mr. Maxamed Xasan Dirir, ayaa saxaafadda maanta u sheegay inay wasaaradda Arrimaha gudaha u gudbiyeen qoraal wada jir ah oo ay soo saareen labadda xisbi mucaarid,kaasi oo ay kaga dalbanayaan wax uu ugu yeedhay mudaharaad ka dhan ah xeerk takaaliifta xeerka waddooyinka Somaliland.

.
“Maanta oo taariikhdu tahay 23/09/2013 waxa labadda xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha laba codsi oo wada jir ah oo ay ku dalbanayaan mudaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan Xeerka Golaha horyaala ee loo yaqaano Xeer Xirsi. Xeerkaasi oo la doonayo in ummadda Somaliland lagu baadho,”ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ka dalbanay mudaharaad salmi ah oo aanu sadex saacadood ka hor dhigno Golaha Wakiiladda Somaliland.”

Mudaharaadkan ayaa lagu mijo xaabinayaa Golaha wakiiladda ee Guddoomiyaha WADDANI Guddoomiyaha u yahay.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com