Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Soo Guryo-Noqday Dalka

IMG_17851(maantasomaliland):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib markii uu soo dhamaysatay socdaal caafimaad oo uu ku tagay dalka imaaraadka carabta gaar ahaan mandaqada Dubai. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Isamaaciil (Saylici) oo ka soo degay garoonka caalamiga ah ee cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dalka iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweyne ku xigeenka Md. C/Raxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka ayaa si weyn uga mahad celiyay soo dhawayanta balaadhan ee lagu soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, waxa kale u mahad celiyay jaaliyadda Somaliland ee degan dalka imaaraadka carabta oo uu tilmaamay in ay si weyn ay u soo dhaweeyeen mudadii uu halkaasi joogay.IMG_1806 IMG_1814 IMG_1765 IMG_1774 IMG_1797

Geesta kale diyaaradda africaan airways oo oo ahayd diyaarada madaxweyne ku xigeenku la socday ayaa kabtankii waday oo warbaahinta kula hadlay garoonka cigaal international air port waxa uu sheegay in garoonku yahay mid buuxiyay shuruudihii garoon ahaan looga baahnaa madaarada caalamiga ah isla markaana uu ku amaanayo Somaliland sida haboon ee ay u horumariyeen dhismaha garoonka gabi ahaantii.

Gabagabdii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Duulista iyo Hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo sheegay in sidaa uu ka marag kacay kabtanka diyaarada African Air-ways in garoonka Cigaal International uu yahay mid ku haboon in diyaarad kastaa ay soo fadhiisan karto kana haadi karto .

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com