Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay shirweynihii dawladaha hoose ee Degmooyinka A-da ah ee mashruuca GPLG-ga, kaas oo maalintiisii labaad ka soconaya Huteelka Ambassador ee Magaaladda

-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay shirweynihii dawladaha hoose ee Degmooyinka A-da ah ee mashruuca GPLG-ga, kaas oo maalintiisii labaad ka soconaya Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargaysa.

Shirkan oo ujeedadiisu tahay maamul daadejinta degmooyinka oo ay ka qayb qaadanayaan maayarrada lixda magaalo ee waaweyn ee Somaliland, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawladda oo ay wehelinayaan hawlwadeeno metelaya hay’adaha samafalka ee ka qayb qaata mashruuca GPLG-ga.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isbedelka ku soo kordhay Dawladaha hoose iyo natiijooyinka ka dhashay hirgelintii mashruuca GPLG-ga.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland oo sharaxayey ujeedada maamul daadejinta waxa uu ku sifeeyey inay tahay in adeegyadii lagama maarmaanka ah la gaadhsiiyo bulshada Somaliland miyo iyo magaaloba, halka dhanka kalena uu ka dalbaday dawladaha hoose iyo hay’adaha la shaqaynayaa inay si rasmi ah dawlada dhexe ugu soo gudbiyaan hadba halka ay marayaan mashaariicda la fulinayo iyo baahiyaha adeeg ee jira.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha Md c/semed Cumar oo shirkaasi hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in qorshaha GPLG-ka la waafajinayo qorshayaasha san sanadeedka ee y degmooyinku leeyihiin isla markaana lagu mataanaynayo qorshayaasha xiliga dheer iyo ka dhow ee degmooyinku ay dejisteen.

Md C/semed waxa uu halkaa ka balanqaaday in wasaaraddu ay si ku talogal leh isu dhinac taagayso mashruucan maamul daadejinta dawladaha hoose, qaybteedana ay ka qaadatay.

Waxaa kaloo shirkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha gudaha ee dalkan JSL Md Cismaan garaad Soofe.

XUSEEN  XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com