Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sawiro cusub oo laga helay kooxda ka dagaalameysa Westgate: SAWIRO

MSL)Dagaallo culus ayaa maalintii 4-aad si toos ah uga socda dhismayaasha Westgate ee bartamaha magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya oo maalmo ka hor ay ciidamo Shabaab katirsan xoog ku galeen.

Untitled

Wararka ka imaanaya Nairobi ayaa xaqiijinaya in ciidamada Dowladda Kenya oo ay kaabayaan ciidamo Yahuud iyo Mareykan ah ay foodda geli la’yihiin dabaqyada 5-aad iyo 4-aad oo ay saaranyihiin ciidamada Xarakada Shabaabul .

Untitled0

Wariyaal katirsan BBC-da oo ku sugan Westgate ayaa soo sheegay rasaas teel teel ah laga maqlayo dhismayaasha xarunta waxaana fashilmay isku day ay Kenya iyo xulufadeeda ku doonayeen in ay xoog ku kusoo furtaan dadka laga heysto.

Balse militeriga dalka Kenya ayaa ayaguna sheeganaya in ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku heynta goobtaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com