Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay soo saaray xeer Madaxweyne oo uu ku dhaqan geliyay xeerka takaaliifta waddooyinka oo maanta aqalka Wakiiladdu ansixiyay.

AXMED-SALEEBAAN-DHUXUL-298x300(maantasomaliland):-Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013 ku dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.

Madaxweynuhu:-Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF- 22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

xuseen xarbi

tel/252634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com