Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiyada Mucaaridka oo Madaxweyne Siillanyo ugu Hanjabay in haddii uu Qalinka ku duugo xeerkaasi ay shacabku Madaxtooyada ugu Daadandonaan.

Hargeysa (MSL) Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa Si kulul u naqdiyey Xeerkii ay Maanta Ansixiyeen Golaha Wakiiladu waxayna Sheegen in Xildhibaanadii Ansixiyey xeerkasi ay yihiin laaluush qatayaal dalka iyo dadkaba aan laxejelo ka qabin.

Siddasi waxay ku sheegen Shir jaraa’id oo ay maanta ku Qabteen Xarunta Guud ee Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa.

Cali Guray oo ugu horeyn Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Waxaanu Shacabiga Somaliland Marka ugu horeysa ka tacsiyadeynaynaa in mar kale mashruucii balaadhana ee lacag urursiga, mid kale oo ka mid ah ay golaha wakiiladu Ansixiyeen, iyaga oo ay tahay miskiinba misko la fuule leh, dadka Hantida leh ee mashaariicda waaweyn wataa way iska farsamayn karaan lacag urursatada, lakiin dadka masaakiinta ee aan karayn ayaa waxa lagu sanduleynayaa waxanay qaadi karayn.”Ayuu yidhi.

Isag aoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi. “shiini caydh ah ayaa dalkii ku degtay, geedka midhahay ka cunayaan, oo calaynta ka cunayaan, oo jirida ayey cunayaan, oo xididkay gaadhayaan, wax alaale iyo waxay ka tagayaan ma jirto, waxaanu ka codsanay in aanu mudaharaad ka samayno xeerkan, lakiin way diideen, waxanse leeyahay waa laysku badheedhayaa, anigu marka aan mucaarid ahay mudaharadku waa sharci, marka aan anigu kursiga ku fadhiyo mudaharaadku waa Mabnuuc ayuu marayaa Siillaanyo haddii uu jiraba.”

Waxa kale oo uu ka hadlay halka lacagta la ururinayo ee xeerkan ku jirta la geeynayo waxaanu yidhi. “waad ogtihiin in mashariicdii waa weyned oo dhami fashilmeen, raga lacagtan ku urursanayaa waxay dadka indho sarcaad uga dhigayaan intay waddo dhagax dhigaan oo ay yidhadaan taasa lagu dhisayaa iyo tana la dhisayaa, anagu wax umada loogu danaynayo oo wado loogu dhisayo isma hortaagno mana ka hor imanayno, lakiin waxaanu ognahay lacagtii lagu dhisi lahaa Berbera Wajaale meeday waxay taala Nayroobi, qoladii cadaanka ah waxa shuruuc looga dhigay haddii aan Xirsi loo dhiibayn ma ogolayno in wadadaasi aad dhistaan, halkan waxa la leeyahay lacag bixiya oo wadooyinba lagu sameynayaa.”

Waxa kale oo uu Yidhi. “Waynu ognahay waxa meeshan yaala in odeygan iyo saddex afar Inan ay yihiin waxa meeshan xukuma, oo aanu Odeygu meesha aanu inagu xukumin, lacagbaa laynaga samaynayaa, xididka waala cunayaa qofkii haddii aad wax diidi waydaan, meel ay ku joogsanayso maleh, marka waxaan leeyahay shacabka reer somaliland waxaa u diyaar garoowdaan, xili ka mid ah xiliyadii ugu adkaa ee 22sanno dalkan soo mara xaalada ka mid ah u diyaar garooba, xaladaasi cida ina galinaysaa waa inamadan faaqay ee kibray ee ragga waxba iskaga tirinayn ee lacagtii umada laga qaadayey dadka ku laalushaya, intay wadaada’da iyo culiimada ay ururinayaan ee ay madaxtooyada geeynayaanee ay odhanayaan waxaanu nahay dad iiman leh oo ehlulaahi ah oo umada iyo dadka ka naxaya iyaga oo tuug ah oo budh cad ah oo umada dhacay.”Ayuu yidhi.

Eng. Cabdirashiid Maxamed Cali (Riyo Raac) oo ka mid ah Sarakiisha sarsare ee Xisbiga Waddani oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi. “Halkan waxa aynu iskugu Nimid tacsi oo aynu shacabka reer somaliland ka tacsiyadeynaynaa xeerkan baadhashada ah, bulshaduna u taqaano xeer Xirsi, maanta waxa yaabka lihi waxa weeyi, waa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland 70 xildhibaan intay golaha soo fadhiistan Konton iyo Siyaadona ay u codeeyan Xeer Xaaran ah, waxaanu idiinshageynaa in xildhibaanadii aad doorateen ee daad xilka u dhiibateen ay dantiini ka baxeen oo ay noqdeen dad ku codeeya lacagta berbera laga soo qaado loo qaybiyo waan nasiib daarro shacabka ku dhacday.”Ayuu yidhi

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey. “Shirkan jaraa’id waxa uu yahay in xisbiyada mucaaridku in ay mudaharaad diyaarinayaan oo mudaharadkaasi ka dhici doono Tuulo degmo gobol iyo magaalo kasta oo Somaliland, oo Somaliland mudaharaad ka dhici doono oo ay gadhi doonto in xeerka baarlamanku soo ansixiyey haddii madaxweynuhu saxeexo in loogu taggo kursigiisa oo madaxtooyada loogu daato in ay gaadhsiindoona xisbiyada mucaaridka ahi, waxaanu halkan fariin uga diraynaa madaxweynaha jamhuuriyada somaliland in aanu xeerkaasi hungureynin oo aanu isku saxeexin, iskuna dayin in uu xeer qaran ka dhiggo, haddii kale waxa soo gadhaya shacabka masaakiinta ah mid ka darani in ay soo gaadhidoonto, waxa loo baydhay in Jeebka la buuxsado oo oo ay meesha ka baxday naxariistii waxanu leenahay umadani ma qaadayso xeerkaasi, Xeerkani ma ah mid wadooyin lagu dhisaayo lakiin waa xeer nin leeyahay oo jeebabka lagu buuxsanayo, shacabka waxan leeyahay u diyaar garooba mudaharaad waayo barlamankiin hiil ka sugi maysaan oo waydinkaa arkaya, dawladiini waatasoo badhasho ayey ku jirta .”Ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com