Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Madaxtooyadda Oo Labada Xisbi Mucaarid Kaga Adkaaday Golihii Wakiiladda Ee Loo Tirinayay In Ay Haystaan

XIRSI(maantasomaliland):-Guusha Xirsi la caraabay waxay muujinaysaa Itaal darada Mucaardka Somaliland oo laba Naf dhawr ah

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa kaga adkaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/laahi isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo saaxiibkiisa Feysal Cali Waraabe ee hogaamiya Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Ansixinta Xeerka Horumarinta Wadooyinka ee uu soo curiyay kaasoo ay si weyn uga soo hor jeesteen mudadii uu Golaha wakiiladda horyaalay.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ku taamayay meel marinta Xeerkan ayaa ku Guulaystay in uu Cod aqlabiyad ah ku jiidhsiiyo Mucaaradka oo loo tirinayay in ay Awood ku leeyihiin Golaha kali ah ee uu Guddoomiyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani, kaasoo Xisbigiisu si xoog leh ugu ololaynayeen in Xeerkaasi dhaafo, waxaanu Xirsi ku meel mariyay 58 cod, halka Sideed Mudane ka diideen, sadex Xildhibaana ka aamuseen, Guddoomiye Cirro-na aanu ka codayn.

Go’aanka Golaha Wakiiladdu ku meel mariyeen Xeerkan ayaa u muuqda mid Xukuumadda uu ka tirsan yahay wasiir Xirsi ku bixisay Tacab iyo Fikir dheeraad ah oo aanay ku baraarugsanayn Axsaabta Mucaaradka ahi, taasina waxay dhalisay in iska daa in ay hor istaagaan Xeerka’e in xataa taageerayaashoodu ka quustaan in ay mudaharaad sameeyaan, kadib markii Wasaaradda Arrimaha guduhu hor istaagtay Codsi hogaamiyayaashoodu u gudbiyeen.

Wallow Xukuumadda talada haysaa awood baaxad leh xalay ilaa shalay u adeegsatay in ay ka hor tagto mudaharaadkooda, hadana waxa rajadii taageerayaashu ku soo bixi lahaayeen dabray kadib markii ay Hogaamiyayaashoodu u dhago nuglaadeen amarka Xukuumadda, halka Xisbiga Kulmiye wakhtigii uu Mucaaradka ahaa isku dhigi jiray rasaasta ay Ciidanka amaanku kala hortagaan.

Lama garan karo ilaa hada sababta rasmiga ah ee looga adkaaday labada Xisbi Mucaarad, hase yeeshee markii natiijada Xeerkaasi lagu meel mariyay bulshadu heshay waxa soo baxay faaqidaado lagu qaadaa dhigayay sababaha, iyadoo dadweynuhu mid bam eel ku dhufanayay sababta.

Ta koobaad ee dad badani isha ku hayeen waxa ay noqotay Wasiir Xirsi iyo Xukuumaddiisuba in ay ku baraarugsanaayeen mashruucan isla markaana mar horeba ay ka tabaabulshaysteen Golaha iyo Mucaaradka labadaba, waxaana taas dadku u food saareeyeen safaradii Madaxweynaha iyo Xubno Golihiisa wasiiradda ahi ku mareen Goboladda dalka, kuwaas oo bilow u ahaa fulinta mashruucan ay ku guulaysteen, halka Mucaaradku ku war heleen goor dadkii laga kaxaystay.

Kala daadsanaanta iyo khilaafka ragaadiyay Axsaabta Mucaaradka ah dhexdooda ayaa iyana sabab kale oo muhiim ah u ah in Xukuumaddu si fudud uga guulaysato labada Xisbi mucaarad oo dhawaan uun heshiiyay, balse wali dadku ka dheregsan yihiin in aanay ka soo kaban khilaafaadka dhex yaalay oo aanay sadexdii sano ee Xukuumaddu talada haysay ay ku kala fogaayeen.

Arrinta dadku in badan isweydiiyaan ayaa ah xidhiidhka ka dhaxeeya Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadani, kaasoo hogaamiyaha ku weheliya mucaaradada ee Feysal cali Waraabe in badan ku dhaliili jiray ilaa hadana loo arko raad keedii inuu sii qoyan yahay oo aan la kala saari Karin in uu si toos ah uga go’ay iyo inay wali sii jiraan xidhiidho aan u saamaxayn in uu si toos ah uga hor yimaado.

Qoddob kale oo muhiim ah ayaa ah in Xukuumadda talada haysaa ku wacyi gashan tahay mudada yar ee ka hadhay Doorashada soo socota ee Madaxtooyadda oo ay u sii weel samaysanayso halka mucaaradkeedii ka dhayalsanayaan oo ay wali u arkaan in ay ku mashquulsan tahay korodhsiimo iyo fursado kale kuwaas oo ay ka garaacayaan meelo wakhtigu kaga lumayo.

Si kasta ha ahaatee guusha ay Xukuumadda iyo wasiir Xirsi kala caraabeen Golaha wakiiladda ayaa muujinaysa in uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu ku fadhiyo Raran haddii uu is yidhaahdo ka kac uu ku waayayo Kursiga uu ku gaadayo Madaxtinimada Dalka.

 

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com