Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maareeyaha Dekeda Berbera Eng. Cali Maxamuud Cumar (Xoor-Xoor) Oo Beeniyay Eedo Loo Jeediyay

Cali-xoorxoor(maantasomaliland):-Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Maxamuud Cumar (Xoor-Xoor) ayaa sheegay inuu horumar muuqda oo la taaban karo gaadhsiiyey dekadda Berbera muddadii uu xilka hayey, isla markaana uu ka fuliyey mashaariic horumarineed oo dekeda lagu casriyeeyay.

waxaanu maareeyuhu beeniyay warar ay ka qorteen qaar ka mdi ah shebekaddaha internet-ku, kaasi oo nuxurkisu ahaa in uu lacag siiyay Xildhibaanadii Golaha Wakiilada ee kasoo horjeeday ansixintii xeerka takaaliifta wadooyinka, Isaga oo Carabka ku Dhuftey in arrintaasi ay tahay mid Wax lagu yeelayo Sumcadiisa iyo karaamadiisa.

Maareeyaha Dekedda Berbera waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu warbaahnita u waray, isagoo jooga Hargeysa.”Waxaan odhankaraa qofku marka uu xilka hayo waxa uu leeyahay cadow baddan, aniguna waxaan ahay Maareeyaha Dekeda Berbera in aan qabto wax waddanka iyo umadda horumar u ah mooyaane wax lagu dhibaateynayo oo aniga wax I yeelaya xaasha, inta dawlada Axmed Siilaanyo hogaaminayo ay joogto waxay dalka gaadhsiin doonta horumar balaadhan “.Ayuu yidhi Eng Cali Xoorxoor.

Maareeyaha oo ka warbixinayay mashaariic horumarineed ee lagu casriyeeyay dekadda Berbera gaar ahaana kuwa la fuliyey muddada u xilka hayay, waxa uu yidhi. “mashaariic balaadhin ee aanu sameeyay oo ay ku baxday ilaa laba million oo dollar, waxaana lagu soo kordhiyay qaybo cusub oo la dhigi doono badeecadaha iyo koontaynarada. dekeda waxaanu ka dhigay mid u shaqaynaa si taabo-gal ah, oo farsamaysan iyo nidaam dakadeed oo dhamaystiran oo ah in ay sidii loogu talagay u socdaan, wixii hawl ah ee dekeda yimaada iyo wixii ka dhoofaya wixii soo degaya, dejintooda, raristooda, nidaamintooda , waxaana uu runtii ka dhigay deked la jaan qaada kuwa caalamka” .

Waxaanu intaasi raaciyay “Hadaba sidaad la socotaan Waxa mudooyinkan dambe ku soo baxay qaar ka mida Saxafadda madaxa banaaan qoraalo ka been sheegaya wax qabadka muuqda ee ay hirgaliyeen maamulka sare dekeddu.sidaa daraadeed waxaanu leenahay Qoraalka Daneystahu Waxba yeeli maayo kartida,Wax qabadka iyo horumarka uu sameeyey maareeyaha dekedda berbera Md.Cali Xoor Xoor. Waxa kale oo aanu Dekeda soo gaadhsiinay heer deked caalami ah oo Soomaali oo dhan u shaqaysa si ay u noqoto mid , qalabkeeda iyo shaqaalaheeduba ay daboolaan kaalinta,qaranka ugu jirto waxaana la odhan karaa halka ay marayso maanta waa meel aad u saraysa, shaqaalahana waxa uu aad uga dhisay dhinaca aqoonta si ay u noqdaan kuwo la tartamaynaa Dekedaha caalamka” ayuu yidhi maareeyuhu.

Eng Cali Xoorxoor waxa kale oo uu Sheegay in uu in uu ka Dhur sugayo in laga Qanciyo Warkan laga Qorey, waxaanu yidhi “Maareeyaha dekedda berbera ,wanaag mooyee weligii xumaan kumu talin,waa shakhsi daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisaba,i. Waana shakhsi ay u siman yihiin dadkiisu oo aan kala jeclayn Fiqiirka iyo Taajirkaba. Isla markaana qayb libaax ka qaatay dalkan Horumarkiisa,oo aan maanta laga been sheegi karayn horaysiyo dambaysoba. Waana shakhsi gudo iyo debadba ku leh Maamuus iyo Qadarin,ay u hayaan shicibweynaha reer S/ Land. Halkana laguma soo koobi karo wax qabadkiisa iyo waxtarkiisaba. Hadaba Waxaan saxafadda u sheegayaa inay ka foojignaadaan dadka ka xun horumar muuqda oo la taaban karo uugaadhsiiyey dekedda waana war xumo tashiil ku qanacsan mijin jaada oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii dhiib anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka maamulka dekedd’e,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.haddaba,waxaan leeyahay bulshooy cali , ma gayo manuu mutaysan maanta hadallada deelqaafka ah iyo Gardarada aan geedna loogu soo gaban”.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com