Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Gudida Arrimaha Gudaha Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Faah-faahiyey Sababta Loo Ansixiyey Xeerka Wadooyinka

Xildhibaan-Siciid-Cilmi-Rooble1(maantasomaliland):-Gudoomiyaha gudida arrimaha gudaha ee golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa sheegay in xeerkii goluhu ansixiyey ay keentay baahi jirta oo loo maaro waayey in lagu sameeyo wadooyinka dalka oo burbursan, xeerka takaaliifta wadooyinka , si dib-u-dhis loogu sameeyo jidadka dalka.

Siciid Cilmi Rooble oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa uu yidhi “Xeerkan waxa keentay baahi ina haysata loona caal-waayay, loona aduun waayay jidadkeena aynu marno, 40 sano ayay jireen, gawaadhida loogu tala galay 6 tan ayaa loogu talo galay, maantana 40 tan ayaa maraya jidkeeni maalinta sidii loogu soconayay roobkuna u helayay wuu dhamaaday, maalin walba geeri iyo shilal ayaa dhaca”.

Isaga oo sii wada waxa uu yidhi “reer Somalilandow saddex sanno ayay xukuumadu jirtay nus dolarkaa ($ 0.5) $ 5, ee gawaadhida yar yar la saaray lixdii biloodba iyo 14.000S/L shilinka ee la saray neefka geela iyo neefka adhiga ah oo la saaray 3500 S/L shilinka”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaa kale oo uu xusay ujeedada labaad ee loo ansixiyey xeerkan ay la xidhiidho darajada ciidanka ee la bixiyay oo iyaduna wadata guno islamakaan tahay mushahar kordhin labaad oo soo korodhay, waxaanu yidhi
“waxay ahayd maalintii aanu mushaharka kordhinaynay in aanu nidhaahno waar mashuhar baynu haynaa sow khasnadihii faaruq maaha, waar intaa aynu saarno, darajo kasta oo maanta la bixiyay waxay wadataa guno, kii Xidig la siiyay hamoodina inuu mashuharkiisii qaadanayo xidigtaa guno ayuu ku leeyahay, kii Alif la siiyay guno ayuu ku leeyahay saddex dalool laba dalool ayaa qaatay darajada oo mushahar kordhin labaad oo soo fuushay tahay, baahidaasi markay timi khasabna ay noqotay doorashadii mudo yari ka hadhay anana hankayagu taagan yahay wax qabadkiina kudarsada ayay noqotay taa, sidan waxa u noqotay taas”. Ayuu yidhi Xildhibaan Rooble.

waxaanu intaas ku daray “dad baa yidhi maa lagu kordhiyo alaabaha laysku qurxuyo (cosmatetics), sigaarada iwm, dee intaa sigaar ka soo gasha dalka makafeyn kartaa, mida kale gobol dhan ayaa inaga go’doon inaga ah galbeed wuu ku wadh-wadhay iskuuladii, jaamacadihii iyo laamiyadii, gobolaa jira aan jaamacad lahayn laamiyo lahayn oo go’doon ah yaa u maciina, kuwaa Sanaag ayaa ka mida dalka oo marka laba loo qaybiyo dalka nus ka mid ah ayaa sanaag ah. Taa lafteedu khasab ayay noqotay ilayn dalku kala go’naan maayo’e in la gaadho dee balan qaadkii Kulmiyana way kujirtay”.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa jawaab ka bixiyay eedo xisbiyada mucaaradka ahi u jeediyeen xeerkan, waxaanu shacabka ugu baaqay
“UCID & WADDANI wali may kobcin, xisbiyo kobcay maaha, waxaa maanta loo baahnaa intaanay weerar galin inay is-dhisaan ayay ahayd horta iyagu dib haysugu noqdaan, markaan doonayso inaad cid wax ka sheegto horta iyagu dib isugu noqdaan adigoon dhisnayn cid kale waxba haka sheegin anagu waanu soo dhisanay oo aanu dhacnay waliba markaasanu ka kabanay hadana 10 sano mucaarid ahayn”.

golaha wakiiladu Somaliland ayaa Isniintii la soo dhaafay cod aqlabiyada ugu codeeyeen xeerka takaaliifta wadooyinka iyo xoolaha dhoofa, ka dib dood dheer oo ay ka sheeyeen xeerkaasi.

xuseen xarbi
maantasomaliland
hargaysa/office
email/harbi_31@hotmail.com
tel:0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com