Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ogeysiis:Xuskii 18may ee ugu waynaa ee abid ka dhaca wadanka Jarmalka,kaas oo lagu qaban doono 21 ka bishan Magaalada Bonn iyo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumad (dr xoog) oo kala qaybqaadanaya.

Ogeysiis:Xuskii 18may ee ugu waynaa ee abid ka dhaca wadanka Jarmalka,kaas oo lagu qaban doono 21 ka bishan Magaalada Bonn iyo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumad (dr xoog) oo kala qaybqaadanaya.

markaa dhamaan shacabka Somaliland ee ku dhaqan wadankan jarmalka ….

jaaliyada Somaliland ee jarmalka oo markii ugu horaysay ku guulaysatay inay ka qayb gasho Dhaqamada aduunka
oo sanadkan lagu qaban doono wadankan jarmalka,waxaa farxad wayn noo ah anagoo matalayna,Jamhuuriyada
Somaliland sidanana Calanka iyo Hidaha iyo dhaqanka Somaliland aanu ka qayb galo,xaflad si aad u heersare ah
loo soo abaabulay,oo uu wadankastaaba 30min soo bandhigayo,Hidaha iyo Dhaqanka Wadankiisa Fursadan oo aanu
uga faaiidaysan doono Aqoonsiga Somaliland,maadaama ay kasoo qayb galayaan wadamo aad u badan,siyaasiin
iyo Tv yo Caalamiya, waxaan ku boorinayaa Jaaliyadaha Somaliland ee qurbaha inay ka faaiidaystaan fursad kasta
oo ay magaca iyo sumcada Somaliland sare ugu qaadi lahaayeen.
Waxaa iyaduna aanu qaban qaabadeedii wadnaa Xafladii ugu Balaadhnayd ee ka dhacda wadanka Jarmalka taas oo
ka dhici doonta Magaalada Bonn caasimadii hore ee jarmalka,21may maalin Sabti ah 5ta ilaa 5ta subaxnimo,waxaa
ka heesi doona Fanaaniin caana walaalaha Sweden Mohamed Cumar iyo Fuaad Cumar Hodan Cumar Dhuule
waxaa halkaa lagu soo ban dhigi doonaa Ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka ,waxaa halkaa marti noogu ah madax ka socota
wadanka jarmalka iyo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumad (dr xoog) oo halkaa ka jeedin doona
qudbado muhiima iyo waliba wax qabadka dawladan cusub ee Somaliland.

markaa dhamaan shacabka Somaliland ee ku dhaqan wadankan jarmalka waxaanu idinka codsanaynaa inaad lasoo xidhiidhaan
Gudida Qaban Qaabada ee uu madax ka yahay Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Somaliland ee Germany
Ahmed nuur Guuleed (caqli) 01638467526
Mustafe Muumin (central Germany) 017677143177
Safiya Xaaji muuse (bonn) 015779601950
Axmed shiine jaamac (frankfurt) 017636261734
Abdi rashiid xasan ducaale (Bremen) 01751909168
Safiya Mohamed Gamadiid (Giesen und Kassel) 017658685115
Waxa kale ee aan ogaysiinayaa dhalin yarta u baahan in looga fasax qaado,meelaha ay degen yihiin si toosa Gudoomiyaha
ha ula soo xidhiidhaan,si laydinku soo gudbiyo wixii war bixin ah
Waxaad soo raacaysaan tareemada 16ka iyo 63ka ee ay ku qorantahay Bonn Badgodesperg waxaad kaga dagaysaan
meesha ay ku dhamaadaan,dabeeto waxaad soo raacaysaan basaska 12ka iyo 14ka 4maxado oo kaliya meesha ay
Xafladu ka dhacaysaana waa iskoolka Bidixda idinka qabanaya.

Aadbaan idiin salaamayaa dhamaan inta jecel wanaaga iyo horumarka Somaliland

Mohamed Husein (Dhacsi)
Gudoomiyaha Jaaliyada
Inadhacse@hotmail.com
015224495047

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com