Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 744)

Shan Ka Mid Ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Oo Gaadhay Heshiis La Xidhiidhka Isku Xidhka Telefoonada dalka

Hargeysa(maantaSomaliland.com)-Shan ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa soo saaray heshiis la xidhiidhka isku xidhka isgaadhsiinta, si shacbiga looga dul qaado culayska ka haysta isku xidhnaan la’aanta shirkada isgaadhsiinta. Sidaasi waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Guddida wada jirka ah Isgaadhsiinta shirkadaha Jaamac X. Maxamed Cigaal, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:_ “War […]

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Mara qaar Ka Mid Ah Haayadaha Dawlada

  Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi (Saylici) ayaa abaaro 9:00 subaxnimo ee saaka waxa uu booqasho kormeer indho-indhayn ah kusoo maray qaar ka mid ah Hay’adaha dawlada. Ugu horayn Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu ku horeeyay Hay’adda Korontada Dawlada, halkaasi oo uu ku soo […]

Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta

Guddida Joogtada Ee Guurtida Oo Warbixin Ka Dhegaystay Masuuliyiinta Ciidanka Asluubta April 24th, 20 Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Guddi hoosaadka joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin la xidhiidhay Ciidanka Asluubta iyo Xabsiyada dalka ka dhegaystay mas’uuliyiinta Ciidanka Asluubta. Mas’uuliyiinta ee Guddida Joogtada warbixinta siiyay waxa Hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Maxamed Xuseen Faarax, Taliye ku […]

Cismaan Geelle Arab oo Ku Geeriyooday Jabuuti

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka baxay Marxuum0- Cismaan Geelle Faarax oo ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee dalka oo maanta geeriyooday dalka Jabuuti. Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu dhambaalkiisa tacsida ah ku yidhi […]

Wasiirka Warfaafinta Oo Masuuliyiinta Wasaarada Ku soo Rogay Amaro Lagu Furdaaminayo goaano ah in saraakiisha wasaarada laga mamnuucay xafiisyada

(maantasomaliland) Wasiirka Warfaafinta Oo Masuuliyiinta Wasaarada Ku soo Rogay Amaro Lagu Furdaaminayo DWasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa Sabtidii shalay soo saaray go’aan uu saraakiisha waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi kaga mamnuucay inay tagaan xafiiskiisa Iyo xafiisyadda kale ee dawladda iyaga oo aan u socon wax shaqada wasaaradda la xidhiidha. […]

W.Kaluumaysiga Oo Maamulka Saaxil Ku Eedeysay Inay Awood Kula Wareegeen Kuliyada Badda Berbera

Hargeysa(maantaSomaliland.com)- Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay inay ka xun yihiin tallaabo uu maamulka Gobolka Saaxil kula wareegay maamulka Kulliyada culuumta Badda ee magaalada Berbera. Waxa kale oo Wasaarada Kalluumaysigu ay ku eedeeyeen Maamulka Gobolka inay awood ciidan u adeegsadeen habkii ay guddidii hore ee gacanta ku haysay maamulka Kulliyadaasi uga wareejiyeen maamulkii. Sidaasi […]

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Sheekha Maamula Imaaradda Raasul Khayma Hargeysa

(maantaSomaliland.com)- Weftigii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa kulan la yeeshay Sheekha xukuma Imaaradda Raasul khayma ee dalka Imaaraadka carabta Sheekh Sucuud Binu Saqar Al-Qaasimi. Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa imaarada Raasul khayma loogu soo dhaweeyay si heer sare ah waxaana ka qeyb galay afartan mooto. Sidoo kale, waxa […]

Dubai (maantSomaliland.com) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shir la qaatay dhiggiisa Dawladda Isutagga Imaaraadka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Abadallah Bin Zayed al Nahyan.

Dubai (maantSomaliland.com) [SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’] Dibadda ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa shir la qaatay dhiggiisa Dawladda Isutagga  Imaaraadka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheikh Abadallah Bin Zayed al Nahyan. Shirkan wasiirada oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka UAE waxa la sheegay inaya labada masuul  kawada hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya labada dal, caalamka carabta, iyo geeska […]

(maantasomaliland.com)Somaliland Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Dad Rayid Ah Ku Laysay Degmada Dhahar April 24rd, 2011

Hargeysa (maantaSomaliland.com)-Ergayga madaxweynaha Somaliland u qaabilsan bariga gobolka Sanaag Sahal Maxamed Jaamac, maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ku eedeeyay inay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag ku dileen sadex qof oo rayid ah oo xoolo ka waraabinayay degmadaasi kuwaasi oo ka soo jeeda degmada. Ergayga Madaxweynaha ee barriga Sanaag wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu maanta […]

Wasaarada Boosaha Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Naqdigii TELESOM ee Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa (maantaSomaliland.com)- Masuuliyiita wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa maanta jawaab adag ka bixiyay hadalkii khamiistii ka soo yeedhay masuuliyiinta Shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM, oo si weyn u naqdiyay xeerka Isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu meel mariyay oo ay ku tilmaameenn mid ay ku jiraan qodobo badan oo ka hor imanaya Dastuurka iyo shareecadda Islaamkaba. […]

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa joojiyay isku bedel agaasimaha Guud

Hargeysa, 21, April, 2011-(Berberanews)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa joojiyay isku bedel agaasimaha Guud Jaamac Axmed Maxamed Ku sammeeyey qaar ka mid ah saraakiisha waaxaha cashuuraha ee Wasaaradda. [SlideDeck id=’1950′ width=’100%’ height=’370px’] Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa todobaadkan soo saaray digreeto isku bedel uu ku sammeeyay madax-waaxeedyada goobaha dakhlo soo saar, […]

Shirkada TELESOM Oo Daadifaysay Xeerka Isgaadhsiinta

Hargeysa (MaantaSomaliland.com)-shirkada Isgaadhsiinta ee TELESOM ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa waxay ku naqdiyeen xeerkii isgaadhsiinta ee dhawaan Golaha Wakiiladdu ansixiyeen waxaanay sheegee in xeerkaasi ay ku jiraan qodobo ka hor imanaya shareecada islaamka, dastuurka Somaliland iyo nidaamka ganacsiga xorta ahba. War-murtiyeed dheer oo shirkaddu ka soo saartay aragtidooda xeerka […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com