Home » Entries posted by Xuseen Xarbi (Page 739)

Hooyo ka miod ah qoysaska degan magajiraladda hargeysa ayaa xalay saqdii dhexe guriga ay degan tahay ku dhex gubtay laba hablood oo la sheegay da’doodu inay kala ahaayeen afar iyo laba sano

(maantasomaliland)Hooyo ka miod ah qoysaska degan magajiraladda hargeysa ayaa xalay saqdii dhexe guriga ay degan tahay ku dhex gubtay laba hablood oo la sheegay da’doodu inay kala ahaayeen afar iyo laba sano . nnLama garanayo sababta rasmiga ah ee ay Hooyadani u gubtay Carruurteeda hase yeeshee sida la sheegayo waxa ay labadaba ku rushaysay Batrool […]

TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO SHEEGAY IN CIIDANKA BOOLISKU GACANTA KU SOO DHIGEEN NINKII SHALYA RASAASTA KU DHAAWACAY MADAXA SHAQAALAHA HAYADA KORANTADA

(MAANTASOMALILAND)Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in xalay ay hawl-gal ay Boolisku sameeyeen ay gacanta ku soo dhigeen Siciid Maxamed Jaamac oo khamiistii shalay laba xabadood ku dhuftay madaxii shaqaalaha ee wakaaladda Korontadda Hargeysa Ilyaas Daa’uud. Taliyaha oo galabta u warramayay WARBAAHINTA, waxa uu sheegay “Ciidanka Boolisku waxay hawl-gal balaadhan […]

Guddoomiyaha Cusub Ee AKademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Xilka Cusub Ee Loo Cumaamaday Iyo Xidhiidhka Ay Leeyihiin Shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub Ee AKademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Xilka Cusub Ee Loo Cumaamaday Iyo Xidhiidhka Ay Leeyihiin Shacabka Somaliland. Hargeysa(msl):-Guddoomiyaha Cusub Akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland ee Acadamic For peace and Development Garyaqaan Maxamed Xirsi ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka guddoomiyenimo ee loo doortay,isla markaana […]

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay Xarunta Kalluumaysiga Net-Fish ee Berbera in ay ku wareejisay Shirkadda ALXarbi Trading Co, kaasoo ka fulin doona sida Heshiisku dhigayo Shirkadd Kalluumaysi.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay Xarunta Kalluumaysiga Net-Fish ee Berbera in ay ku wareejisay Shirkadda ALXarbi Trading Co, kaasoo ka fulin doona sida Heshiisku dhigayo Shirkadd Kalluumaysi. Xarunta Nec-Fish ayaa ah goobta kali ah ee ay ku adeegtaan kalluumaysatada yar yare e Wadaniga ah, waxana yaalay Qaboojiyayaal iyo Baraf Dhaliye hase yeeshee waxa in muddo […]

Xukuumadda Somaliland, ayaa ooda ka qaaday dad tiradoodu ka badnayd afartan oo muddo u xidhnaa kiis dil ah oo laba toddobaad ka hor ka dhacay xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa

(MAANTASOMALILAND)Xukuumadda Somaliland, ayaa ooda ka qaaday dad tiradoodu ka badnayd afartan oo muddo u xidhnaa kiis dil ah oo laba toddobaad ka hor ka dhacay xaafadda Daami ee Magaalada Hargeysa. Dadka la siidaayey oo u xidhnaa kiiska haweenay ka soo jeeda Beesha Gabooye oo wakhti habeenimo ah lagu dilay xaafadda Daami, ayaa la soo daayey […]

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo magacaabay Guddida Olypic-ga Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa saaka magacaabay toddoba xubnood oo noqon doona Guddida Olypic-ga Qaranka Somaliland, kuwaas oo muddo sanad iyo Lix bilod ah ku samayn doona Diyaarinta shuruucada kala duwan ee lagu maamulayo ciyaaraha Somaliland. Diyaarinta doorashooyinka xidhiidhada kala duwan iyo Olambikada qaranka. Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid […]

Maayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta dhagax dhigay biriij sedexaad oo ay yeelan doonto caasimada dalka ee Hargaysa.

HARGEYSA (MAANTASOMALILAND)- DUQA caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta dhagax dhigay biriij sedexaad oo ay yeelan doonto caasimada dalka ee Hargaysa. Biriishkan oo lag hirgalin doono dhinaca bari ee casimada Hargysa oo ku beegan dhismahii fooqii jajabka Hargaysa kaas oo isku xidhi doona degmooyinka gacan-libaax iyo Maxamuud Haybe isla markaana ay hirgalintiisa iska kaashanayaan […]

Ciidamada booliska, ayaa ku daba jira gacan ku dhiigle maanta dhaawacay Madaxii shaqaalaha ee Wakaalada Korontada dawladda ee Hargeysa

Ciidamada booliska, ayaa ku daba jira gacan ku dhiigle maanta dhaawacay Madaxii shaqaalaha ee Wakaalada Korontada dawladda ee Hargeysa, ka dib markii uu rasaas la beegsaday isaga oo ku sii jeeda gurigiisa oo ku yaala xaafadda Geed-goble ee Magaalada Hargeysa. Warka ka soo baxaya weerarka lagu qaaday sarkaalkan wakaalada korontada dawladda ee Hargeysa, ayaa sheegaya […]

Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada Oo Soo Dhaweeyay Wareejintii Xisbiyada Mucaaridka Ee Qabashada Shirka Talo Qaran.

Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada Oo Soo Dhaweeyay Wareejintii Xisbiyada Mucaaridka Ee Qabashada Shirka Talo Qaran.

Hargeysa(MSL)Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo hadda ka mid ah Masuuliyiinta Akadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii saddexda xisbi ku gaadheen in shirkii Doodda qaran ay qabato Akadamiyaddu. Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu amaan u soo jeediyay talaabadan oo uu ku sheegay inay muujinayso […]

xisbiyada Qaranka Oo Ku Heshiiyey In Doodii Qaran Lagu Wareejiyo Akaadamiyada Nabada somaliland.

xisbiyada Qaranka Oo Ku Heshiiyey In Doodii Qaran Lagu Wareejiyo Akaadamiyada Nabada somaliland.

Hargeysa(MSL)Kulan Maanta saddexda xisbi qaran ee Somaliland ku yeesheen xarunta Akadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa la isku afgartay in si wada jir ah ay shirka Talo-qaran u qabato Akadamiyadda Nabaddu. Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyayaasha xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa markii uu dhamaaday […]

Dagaalka Koonfurta Sudan Oo Ku Fiday Meelo Badan Oo Dalkaasi Ka Mid Ah Iyo Tirada Dadka Somalida Ah Ee Ku Dhintay.

Dagaalka Koonfurta Sudan Oo Ku Fiday Meelo Badan Oo Dalkaasi Ka Mid Ah Iyo Tirada Dadka Somalida Ah Ee Ku Dhintay.

Juba(MSL)Dablay hubeysan ayaa magaalada Bor ee gobolka Jonglei oo ay qabsadeen mucaaradka taageersan madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta sudan, Riek Machar ayaa maanta ku toogtay saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa Somali iyo laba qof oo Kenyan ah. Saddexdan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay u shaqeynayeen shirkad ka ganacsata […]

muj/Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa Xukuumadda ku Eedeeyey in ay doonayso waxa Xun ee ay samaynayso marka loo sheego in ay doonayso in lagu amaano, isagoo Warbixintii Nicolas Key u gudbiyey qaramada midoobay ku tilmaamay xaqiiqo jirta oo rasmi ah.

(maantasomaliland)Cali Yuusuf (Cali Gurey) ayaa Xukuumadda ku Eedeeyey in ay doonayso waxa Xun ee ay samaynayso marka loo sheego in ay doonayso in lagu amaano, isagoo Warbixintii Nicolas Key u gudbiyey qaramada midoobay ku tilmaamay xaqiiqo jirta oo rasmi ah. Warbixin uu ku baahiyey Barta Facebooka ayuu ku sheegay inay ay bulshada Caalamku xogogaal u […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com