Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102
Home » Archives by category » War (Page 727)

Madaxweyne Siilaanyo walaalkii oo xadhig iyo garaacis kula kacay weriyayaal ka hawlgala Hargeysa

Hargysa(,maantasomaliand.com)-Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo magaciisa la yidhaahdo Cali Maxamed Maxamuud (Cali Digirin) ayaa xabsiga u taxaabay laba weriye (sawir-qaade) oo u shaqeeya telefishinka ROYAL TV xaruntiisa Hargeysa. Labadan weriye oo magacyadooda la kala yidhaahdo Cawaale Muxumed Faarax iyo Cabdifataax Aadan Cirro oo shaqo maalmeedkooda ku guda jira ayaa waxaa weerar kedisa ku soo […]

Maxaabiistii lagu qabtay Dagaalkii Buuhoodle oo la is weydaarsaday

Burco (maantSomaliland.com)- Xukuumadda Somaliland iyo maleeshiyada Buuhoodle ayaa maanta is dhaafsaday afar maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii khasmiitii la soo dhaafay ka dhacay jiida gobolka Buuhoodle waxaana maxaabiistan u kala wareejisay Ha’yada Bisha Cas. Maxaabiistan ayaa lagula kala wareegay Tuulada Samo-kaab ee gobolka Sool, C/Kariim Yuusuf Garaad, iyo Nin kale oo lagu magacaabo Qarad ayaa […]

Saraakiisha Kooxda Khaatumo State Oo Booqday Deegaanka Sooljoogta Ee Dagaalku Ka Dhacay Toddobaadkii Hore Iyo Ciidamada Somaliland Oo Heegan Sare La Geliyay.

(mantasomaliland.com)  Qaar ka mida madaxda sare ee  maamulka kooxda Khaatumo State, ayaa maanta  booqasho ku tagay deegaanka Sooljoogta oo ah xudunta dagaalkii  toddobaadkii hore dhexmaray ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maliishiyada beelaha dega Buhoodle, waxaana sida la sheegay  ay  soo mareen meelo ka mida goobihii dagaalku ka dhacay. Masuuliyiintan ayaa wada  qorshe dagaal oogida oo […]

Kalfadhigii 64-aad ee Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa maanta ka furmay xarunta Dawlada Hoose, waxaanay dood ka yeesheen qashinka buux dhaafiyey caasimadda, waxaanay arrintaasi ku eedeeyeen shirkadaha DHIS iyo SABOWANAAG ee ay qandaraaska ku siiyeen.

 (maantaSomaliland)- Kalfadhigii 64-aad ee Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa ayaa maanta ka furmay xarunta Dawlada Hoose, waxaanay dood ka yeesheen qashinka buux dhaafiyey caasimadda, waxaanay arrintaasi ku eedeeyeen shirkadaha DHIS iyo SABOWANAAG ee ay qandaraaska ku siiyeen. Shirkan waxa gudoominayay Maayarka caasimada ahna Guddoomiyaha Golaha deegaanka Hargeysa Degaanka Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir. Xildhibaan Cabdillaahi Cali […]

Madaxwaynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Safiirka Ingiriiska Ee Addis-Ababa Iyo Safiirka Oo Kulan Wada Jir Ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran

Hargeysa (maantasomaliland)  Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay safriirka dawlada Ingiriiska u fadhiya Magaaladda Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Addis-Ababa Mr krist oo maanta booqasho ku yimid Magaaladda Hargeysa ayaa waxa uu Madaxtooyadda kula kulmay Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxaana la sheegay in […]

Tahriibta Oo Somaliland Kor U Kacday, Koox Suxufiyiin Wasaaradda Warfaafinta Ka Tirsanaa Oo Cadaadis Iyo Mushahar La’aan Uga Tahriibay Dalka Iyo Fadeexada Xukuumaddu Ka Dhaxlayso

Hargeysa  (maantasomaliland) Caasimada Somaliland ee Hargeysa iyo guud ahaan dalka ayaa waxa ku soo badanaya dhalinyarada ka haajiraya isla-markaana u tahriibaya wadamada Yurub, kuwaas oo dhalinyaro badan oo hore isugu dayey inay gaadhaan ay ugu halaagmeen saxaraha iyo badaha loo sii maro. Tahriibka dhalinyaradan oo Wiilal iyo Hablo da’yar ah isugu jira ayaa soo badanayey […]

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa ugu baaqay xukuumadda inay wada hadal la yeelato dadka gobolada Sool iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay in la khalday.

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Wasiirka Wasaarada warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa ugu baaqay xukuumadda inay wada hadal la yeelato dadka gobolada Sool iyo Buuhoodle oo uu tilmaamay in la khalday. Waxa kale oo uu Wasiirka warfaafintu soo jeediyay in shirka London ka hor wax badan la saxo oo la kala qaado labada […]

– Taliyaha Ciidanka Qaranka somaliland oo maanta dhambaal Hambalyo ah u diray xubnaha Ciidammadda qaranka JSL munaasibadda sanad guuradooda 19-aad oo ku beegan maalinta bari ee 2-da bishan Febarwari.

Hargeysa (maantaSomaliland.)- Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) ayaa maanta dhambaal Hambalyo ah u diray xubnaha Ciidammadda qaranka JSL munaasibadda sanad guuradooda 19-aad oo ku began maalinta bari ee 2-da bishan Febarwari. Taliyaha ciidanka qaranka waxa uu dhambaalkiisa Hambalyada ah u rajeeyay ciidanka qaranka iyo xaasaskooda inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bash […]

Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Addis-Ababa Oo Jooga Xaalad Caafimaad Oo La Soo Daristay

  Waa Sidee Xaalada Caafimaad Ee Taliyaha Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland Oo Addis-Ababa Oo Jooga Xaalad Caafimaad Oo La Soo Daristay Addis-Ababa Jan 31,2012 – Taliyaha Ciidamada booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo xaalad caafimaad u jooga Magaaladda Addis-ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa xaalada caafimaad laga waramay. Taliyaha oo laba todobaad ka hor […]

Xukuumadda Somaliland Oo Ashkato Culus Oo Ka Dhan Ah Maamulka Kililka Shanaad Ee Itoobiya U Gudbisay Dawladda Dhexe Ee Itoobiya Iyo Ciidamada Liyuu Booliska Ee Xadka Dhooban

 (maantasomaliland) Jan 31,2012 – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ashkato ka dhan ah maamulka Killilka Shanaad u gudbisay dawladda dhexe ee Federaalka Itoobiya, sidoo kalena u bandhigtay cabasho la xidhiidha dareenno Somaliland ka qabto in kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada degaanka Buuhoodle ay taageero ka helaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Wasiirka Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda […]

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo ka Hadlay Shirka London iyo Dagaalkii Buuhoodle

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo ka Hadlay Shirka London iyo Dagaalkii Buuhoodle Hargeysa (maantaSomaliland)-Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Mudane Xirsi Cali X Xasan ayaa ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland iyo koox uu fidmo wadayaal ku tilmaamay masuuliyada dagaalkii khamiistii la soo dhaafay Duleedka Buuhoodle ku dhex maray Ciidammadda qaranka iyo maleeshiyo beeleed. Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay […]

Hargeysa(maantaSomaliland)- Urur-siyaasadeedka Xaq-soor oo ka mid ah Ururrada isu diiwaangeliyey inay u tartamaan doorashada golayaasha deegaanka ee sannadkan ka qabsoomi doona dalka Somaliland, ayaa maanta Xafiisyadiisii ugu horreeyey ee heer gobol ka furtay magaalooyinka Hargeysa, Dacar-budhuq, Berbera, Sheekh Burco, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo.

  Hargeysa(maantaSomaliland)- Urur-siyaasadeedka Xaq-soor oo ka mid ah Ururrada isu diiwaangeliyey inay u tartamaan doorashada golayaasha deegaanka ee sannadkan ka qabsoomi doona dalka Somaliland, ayaa maanta Xafiisyadiisii ugu horreeyey ee heer gobol ka furtay magaalooyinka Hargeysa, Dacar-budhuq, Berbera, Sheekh Burco, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Ceerigaabo. Xaflad xadhigga lagaga jarayay Xafiiska Ururka Xaqsoor ku yeelanayo Caasimadda Hargeysa, […]

Warning: Undefined variable $additional_loop in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10 Warning: Attempt to read property "max_num_pages" on null in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/archive-default.php on line 10
Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com